Somaliland: Xukuumadda Oo Qorshaysay In Ay Faro Dufan Leh Wakiilada Ku Marsiiso Heshiiskii Dubai Iyo Xildhibaano Tiro Yar Oo Isu Bahaystay In Ay Ganafka Ku Dhuftaan

0
685

Xildhibaanadii Malafsiga Jeclaa Oo Durba Hanqalka La Soo Kacay, Bilaabayna In Ay Hambalyeeyaan Heshiiska Lagu Wareejinayo Dekedda Berbera & Kuwa Ka Qayliyey

Kadib Markii xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in ay heshiis maal-geshi ah la gashay kambaniga DP World oo dib u dhis iyo casriyey sida ay sheegtay ku samayn doona Marsada Caalamiga ah ee Berbera waxa durba soo baxaya xogo tibaaxaya in xukuumaddu wakhti hore diyaarisay qaabka ay u wajahayso Golaha Wakiilada Somaliland oo isagu sharci ahaan iska leh ansixinta heshiisyada maal-gashi ee xukuumaddu gasho taasoo doonaysa in ay awood dhaqaale iyo mid xisbi u adeegsato jiidhsiinta mashruucaasi golaha wakiilada.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola qorshayaasha xukuumadda ee ku aaddan meel marinta heshiiskii ay toddobaadkan ku soo gashay Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa ay tibaaxayaan in xukuumaddu wakhti horeba ka sii baaraan degtay siina qorshaysay qaabka ugu habboon ee ay heshiiskaasi marka uu wajigiisa labaad dhammays tirmo ay golaha wakiilada u jiidhsiin lahayd taasina tahay ta ay markiiba ugu dhiirradeen in ay umadda u sheegaan in ay doonayaan in ay Golaha Wakiilada ka ansixiyaan heshiiskaasi oo sida xogahani sheegayaan ay madaxtooyadu u mari doonto laba jid oo kala ah in marka hore ay isku dubba ridato Tirada Xildhibaanada Muxaafidka ah ee ku ab-tirsada xisbigeeda KULMIYE oo golaha wakiilada ka ah Aqlabiyad iyo wajiga labaad oo ah in ay xildhibaan kasta u diyaariyaan kharash kaambayn ah oo lagu meel mariyo heshiiskaasi si goluhu cod aqlabiyad ah ugu meel mariyo.
Meel marinta heshiiskan ayaa la sheegay in uu xukuumadda ka go’an yahay marka loo eego qaabka dhiirranidu ka muuqato ee ay dhakhsaha ugu guda gashay taasoo keenaysa in ay wax kasta oo ay ku qaadanayso ku bixiso sidii heshiiskaasi Golaha Wakiilada u dhaafi lahaa balse waxa laga war sugayaa dhinaca kale xildhibaanada aan tiradoodu badnayn ee la filayo in ay jilibka u aasaan qorshaha xukuumadda ee dufanka leh. Xildhibaanada durba badka is keenay ee caddeeyey in ay heshiiskaasi diidi doonaan waxa ugu cadcad dhawr xildhibaan oo saxaafadda la hadlay markii uu soo baxay warka heshiiska Dubai kuwaasi oo ka soo jeeda xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.