Somaliland: “Waa Nasiib Daro In Maanta Somaliland 25 Sano Ka Dib ay Rajadii Shacbigu Mugdi Gasho

0
701

Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka oo kamid ah  Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa nasiib daro ku tilmaamay Xaalada dalku ku sugan yahey, wakhti xaadirkan oo khatar ku ah masiirka Shacbiga Somaliland iyo rajada ay mudo badan ugu soo samreen  in Somaliland Noqoto Dal Gaar ah Oo ay dhiigooda usoo shubeen laakiin ay nasiib daro badan kala kulmeen Xukuumada oo maalinba maalinta ka dambeysa mugdi galineysa qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif), oo si kooban oo guud mar ah uga hadley qadiyada Somaliland iyo arimaha wakhti xaadirkan ay ka jarka kaga sii laalaado,ee gaboodfalka Xukuumada isagoo arimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi. “Maanta cid kasta oo ay wadanka lexejeclo ka haysaa waa uu ka damqanayaa marka aad eegto xaalada wadanku ku sugan yahay runtiina wax macno ah oo ay samaynasaa ma jiro in uu mar kale xisbiga Kulmiye ku guulaysto talada dalka,waayo waxa muuqata guul darada ka taagan dalka oo ay fure u tahay fashilaada arimaha daakhiliga sida boobka danta guud,adeegyada  Bulshada aasaasiga u ah iyada oo xukuumadani kaga mashqquushay hawlihii loo igmaday boobka danta guud oo ay maanta ugu danbayso wareejinta Marsada qadiimka ah ee Berbera”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif.

Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif)Taliyihii hore ee Ciidadamada Qaranku,mar uu ka hadlayay arimaha wacyigan taagan ee laga dhaxley Xukuumadan waxa  uu tilmaan ka bixiyay heerka ay mareyso Qabyaaladu iyo Sida ay Shacabka u saamaysay waxa uu yidhi.

“Waxa nasiib daro ah heerka ay maanta qabyaaladu ka mareyso dalka oo ay sabab u tahey Xukuumadani waxa wax laga xumaado ah in  Ciyaarihii Gobolada ee dhalinyaradu isku dhex gali laheyd isku baran laheyd isku soo dhaweyn laheyd ee saaxiibtinimo iyo Somalilandernimo ku abuuri laheyd la qaban kari waayo oo lakala diro waa qabyaalada la huursadey,waxa nasiib daro ah in ninka maanta nin dila marka la isweydiinayo layidhaahdo waa ayo ninka la dilay,kadileyna waa ayo,(waa Qabiilkee,kala diley,kadileyna waa qabiilkee) oo Dambiilihii gacan kudhiiglaha ahaa qolo noqonayo, waxey taasi meesha kasaartey haykalkii kala dambeyntii iyo nidaamkii dawladnimo,waana mid dhibaato adag ku ah shacbiga Somaliland oo dib ugu celineysa maraxalidihii ay kasoo gudbeen ee adkaa”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif.

Waxa kale oo uu Mujaahid Jidhif farta ku fiiqey Siyaasada Arimaha Dibadda ee Xiligan Xukuumada Kulmiye,isagoo ku sheegay mid aan cid ka warheysaaba jirin halka aynu caalamka ka joogno maanta, waxaanu yidhi.

“Siyaasada Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ahi waxa uu maanta marayaa inuu noqdo mid Geed ku laalan,iyadoo ay inoo muuqato in aanu habayaraatee jirin Wadan aynu Xidhiidh leenahay shaley waxeynu rajo ku qabney Baasaboorka Somaliland nasiib darose, maanta dalka waxa ka dhoofi kara kaliya qofka Baasaboor ajaanib ah sita ilaa Madaxweynaha waa dib unoqosho,waxaana dalkan fursad ka hela markiiba qof bilaa aqoon ah oo sita baasaboor ajaanib ah waana ta sababtey in ay dalka ka jiraan kumanaan kun oo kamid ah Ardeydii dhameystey Waxbarashada Jaamacadaha iyo kuwa Dugsiyada Sare ee badaha ku dhamaadey”.Ayuu yidhi

Isagoo Mujaahid Jidhif(Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranku duco kusoo gunaanadaya hadalkiisa waxa uu yidhi.

“Almuhiim Waxey maanta Somaliland u baahan tahey cid u arimisa oo illaahay usoo diro Maxaa yeelay maalin ay noqotoba Shacbigan iyo dalkan aad arkeyso inaan cidi u maqneyn oo aan ceel u qodneyn in illaahay xaga samada uga soo gurmanayo kana qabanayo Xukuumadan Kulmiye ee Xididka u siibtey sumacadii iyo jiritaankii iyo rajadii qaranimada Somaliland,illaahayna ha inoo soo diro oo ha inoogu badello cid nadiif ah oo daacad ah oo u arimissa Somaliland,markii hore ayaynaan ku duceysan Isbadell kheyr qabee illaahay ha inoogu badelo isabdel kheyr qaba oo lamahadiyo”Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay

Mujaahid Jidhif ayaa hadalkiisa kusoo beegay wakhti ay shacbiga Somaliland siweyn u hadalhayaan labadii maalmood ee u dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo socdaaliiisii Jabuuti iyo Heshiis lagu soo faasaxey Dekedda Berbera oo lagu wareejiyay DP-World Shirkada Dekedaha ee dalkaasi Imaaraadka Carabta.