Somaliland: Suldaanka Guud Oo Taageeray Heshiiskii Xukuumadda Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Ee Balaadhinta Marsadda Berbera.

0
689

Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa taageeray heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadanaa dekedda Berbera

Suldaanka Beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa markii u horeysay ka hadlay heshiiska ay toddobaadkan dhamaanaya xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda Imaaraatiga ah ee dekedaha maalgelisa taas oo qandaraas maalgelin iyo horumarineed lagu siiyey dekeda Berbera in ka badan rubuc qarniga soo socda. Suldaanka guud ee beellaha Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay warbaahinta Somaliland kula hadlay hoyga uu magaallada Hargeysa ka degen yahay waxaa uu dareen farxad iyo nayaayiro leh kamuujiyey faa’iidada heshiiskaas oo uu sheegay in uu soo dhawaynayo suldaan ahaan, isaga oo carrabka ku dhuftay in heshiiskaasi daaran yahay ballaadhin iyo maalgashi laga wada dheefi doono.

“Dalka Somaliland dadkiisu waxay ku mideysan yihiin sidii ay  u abuuri lahaayeen horumar, arrinkaas [heshiiska dekedda]  waxaan leeyahay waa in  umadda reer Somaliland  ay   ku taageeraan go’aanka madaxweynuhu qaatay” sidaa ayuu  suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir yidhi, waxaanu inataas ku daray “ anigu Suldaan Maxamed ahaan waan taageerayaa heshiiskan waayo waxa yaraanaya Tahriibkii oo  waa in umaddeenu heshiiska dawladdeena iyo dalka Imaaraate-ku ku wada galeen maarsaddeena Berbera la soo dhaweeyaa”.  Dhinaca kale waxaa uu suldaanku ku ammaanay   tallaabada uu madaxweynaha Somaliland qaaday ee ku saabsan dekedda berbera.  “Waxaan ku hambalyeynayaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) marku arkay Xoogii dhalinyartii dalkiisa oo ku geeriyooneysa Badda ayuu go’aan ku gaadhay in uu Dekedda balaadhinteeda uu siiyey inay maalgeliso dawladda Imaaraate-ku, taasna in wax dheef iyo dhaqaale uu dalka ka soo galo oo  laga helo mooye wax dhib oo kale oo ku jira ma jiro oo taas ayaan anigu u arkaa, waxaan sido kale qabaa inay dekeddo kale oo badani ku soo biiri doonaan dalka Somaliland, waxa yaraanaysa shaqo la’aantii iyo dhacii, maalgelinta dekedda iyo balaadhinteeda shaqooyin faro badan ayaa ka socda oo waxa soo Kobci doona ganacsatadda Somaliland, marka dhan kasta markaan ka eego arintani waa arin horumar umadda Somaliland u leh, maarka anigu runtii waxaan umadda reer Somaliland ku guubaabinayaa inay arinka gacan buuxda ha la siiyo oo ay khilaafka iska ilaaliyaan maalgelinta dekedda Berberana waxaan qaba in lagu mideysan yahay oo cida diidani waa cid aan Somaliland ogoleyn ninkii diidana habaari meyno ee waxaanu leenahay ALLE ha u soo hadeeyo dalkiisa iyo umaddiisa ”