Somaliland: Shirkadda DP World Oo Faaf-faahin Dheeraad Ah Ka Bixisay Heshiiskii Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Ee Casriyaynta Marsadda Berbera.

0
687

Shirkada DP World, ayaa shaaca ka qaaday inay heshiis iskaashi la saxeexatay xukuumadda Somaliland la xidhiidha maalgashiga dekadda Berbera lana gaadhsiiyo heer casri ah.

Qoraal shirkada DP World soo saartay shalay oo lagu daabacay wargeyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta ayaa lagu sheegay in heshiiska labada dhinac (Somaliland & Imaaraadka Carabta) wada saxeexdeen ayaa lagu abuuray nidaam heshiis wadajir loogu maamulayo dekadda Berbera si loogu bedalo hoy lagu qeybiyo badeecadaha caalamka u kala gudba (logistic hub).

Heshiiskan oo la sheegay inuu ku xidhnaan doono shaqada marsadda, isla markaana qeyb ka ahaan doono abuuritaanka aag badeecadaha dib loo dhoofinayo la dhigo (free zone) ayaa la sheegay in shirkada DP World ku maalgelin doonto dhaqaale gaadhaya $442 million (Dh1.62 billion).

Casriyeynta dekada ayaa lagu sheegay qoraalka shirkada DP World inuu albaab cusub u furi doono Itoobiya oo koboca dhaqaalahoodu u baahan yahay iyo wadamada aan baddaha lahayn ee barriga Afrika.

Heshiiska DP World iyo Somaliland ee dekadda Berbera oo lagu sheegay (co-invest) ayaa macnahiisu yahay maalgashi laga helo qaab saaxiibtinimo.

DP World oo ay  leedahay shirkada maalgashiga Dubai ayaa sheegtay bishii March, 2015 inay wada xaajood hordhac ah la gashay xukuumadda Somaliland ku saabsan casriyeynta dekadda Berbera.