Somaliland: Shirka Badhan Halis Kuma Aha Qaranimadda Dalka

0
1108

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shirar beeleedyo la sheegay in ay maalmahan ka socdaan magaaladda Badhan ee gobolka Badhan, kuwaasi oo lagu sheegay in ay yihiin shirar ay beelaha degaankaasi aayahoodda kaga tashanayaan.

Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamad Muuse Diiriye, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa  ayaa  sheegay in  shirkaasi aanu wax dhibaato ah ku keenaynin qaranimadda Somaliland, isla markaanna uu la mid yahay shirarkii caadiga ah ee ay beeluhu qabsadaan.

Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu tilmaamay  in  gobolka Badhan uu ka mid yahay Somaliland, dadka degaankaasina ay yihiin  bulsho ku sifoday ilbaxnimo sidaas darteedna shirka ay magaaladda Badhan ku qabsanayaan   ay u arkaan mid aan Somaliland waxba u yeelaynin.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Shirarka  beeluhu way qab-sadaaan,  oo wax mushkilad ah malaha.  Reer  Sanaag waa dad ilbax ah  oo xadaariyiin ah  gaar ahaan Sanaag bari,   waana boqortooyo soo jireen ah,  dadkaa  maanta loogama  baqi karo waxyeelada Somaliland-na.  Markaa     hawsha (shirka) magaaladda  Badhan ka socota  uma aragno mid Somaliland waxyeelaya, ciidan baana noo jooga Badhan,  maamul baana noo jooga,  shirkaasina  Somaliland-na in uu wax waxyeelayo  ilaa hadda ma heyno”.

Waxa kale oo uu ka hadlay  wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha   sida ay gobolada bariga Somaliland doorashadda iyo diiwaangelintuba  uga qabsoomi karaan.   “Gobolada bariga Somaliland waa dalkeeni haddii ay Sool tahay iyo haddii ay Sanaag tahay-ba, doorashadu way ka qabsoomaysaa oo way ka dhacaysaa.  Diiwaangelintuna  way ka dhacaysaa,  dadkuna waa dad u heelaan  Somaliland”ayuu yidhi wasiiru-dawluhu.

Dhinaca  kale Maxamed Muuse Diiriye,  waxa uu  ka hadlay ciidamo ka soo goostay maamul goboleedka Puntland   oo isku  soo dhiibay Somaliland. ciiddamadaasi oo   soo  gaadhay   caasimadda Magaalada Hargeysa isla markaana kulamo  ay kulamo la yeesheen  talisyadda ciidamadda Booliska ee Somaliland. Wasiirul dawlaha  arrimaha gudaha oo arrinta ciidamadda ka soo goostay Puntland waxa uu yidhi   “Ciidankan soo goostay  oo soo gaadhay   Magaalada Hargeysa,  waa ciidan  ka soo goostay maamul goboleedka Puntland isla markaana diiday  Puntland.  Inaga  (Somaliland)  ciidan  ku soo biira ciidankeena mooyee   uma na qaano ciiadankeenii, inaga  ciidan  baa  inoo jooga,  musharkoodana qaata joogana Ilaa Taleex, inta ka shisheysa ee Garoowe agtiisana ciidan baa inoo jooga.

Markaa  annagu ciidan aan weli ciidankeenna isu soo dhiibin uma naqaano ciidan laakiin kii ciidankeenna soo gaadha, ilayn in aynu qaadan iyo in kale is-weydiinbay leedahay,  ciidankoo  qoryahooda sita la odhan maayo waa ciidan laakiin ciidanku waa inuu qoryihiisa dhigaa, kadibna ciidan loo aqoonsadaa.”