Somaliland: “Saamayn taban kuma yeelanayo heshiiskani shaqaalaha hadda ka hawlgala Dekeda Berbera oo waxaanu caddaynaynaa…” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

0
229

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha Qiimaha Dekedda Berbera iyo maalgalinta Shirkadda DP World ay ku samaynayso  iyo asbaabta Somaliland ugu dhiiratay inay gasho heshiiskan iyo waliba heshiiskani saamaynta uu ku yeelan karo dadka reer Somaliland ee ka shaqeeya Dekedda.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ugu horreyn ka hadlaya qiimaha Dekedda Berbera ayaa waxa uu yidhi, “Dekedda Berbera waxay ku taalla meel istaraataji ah oo qiime leh oo ALLE dhigay, waxaanay ka mid tahay hantida ugu qiimaha badan ee Qarankani leeyahay, Qaranimadii Soomaaliyeed ee 31-ka sano la wada lahaa, waxyaalaha ugu mudan ee aynu ka hayno ayey ka mid tahay, waxaanay ka kooban tahay laba qaybood oo kala dhiseen Ruushka iyo Maraykanku, xilligii la dhisayna waxa laga kala joogaa 48sano iyo 34sano, waxaanay labadaasi qayboodba u baahan yihiin dayactir, horumarin, qalabayn, qurxin iyo in la ballaadhiyo oo la weyneeyo, waxaanay u baahan tahay adduun badan oo la galiyo iyo dad khibrad, aqoon iyo xirfad u leh oo maamula, sidaa ayaana lagu dhisay dekedaha dunida, haddii ay tahay dekeda Dubai, waxaana jirtay xilli ay dekeda Berberi ka qurux badnayd Dekeda Dubai.”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay shirkada DP WORLD “Shirkaddan aanu heshiiska la galnay waxay ka mid tahay shirkadaha adduunka ugu miisaanka weyn, waxaanay ku jirtaa safka ugu horreeya ilaa shirkadda afraad, waxaanay maamushaa dekedo badan oo Dubai ka baxsan oo caalami ah oo ay maalgalisay oo isbedel weyni ku yimid, khibradaas, aqoontaasi iyo adduunka laftiisa weynu u baahanahay”.

Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu tilmaamay aragtida Xukuumadda ee Maalgashiga “Xukuumaddan aanu ka midka nahay ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Silaanyo waxay aaminsantahay inaynu u baahanahay maalgashi caalami ah si kaabayaasheena dhaqaale kor loogu soo qaado iyo in Somaliland dunida lagu soo xidho si loo barto, oo aynu dunida u adeegna kana adeegato oo dhaqaale inooga soo galo, anagoo siyaasadaasi ka duulayna ayaa geeddi socod dheer la galay si loo helo, waxaanan is leeyahay hadda waad ka gun gaadheen oo shirkado badan ayeynu is baayacnay, waanad kala dooranaysaa, waxaanu dooranay kii ugu wanaagsanaa oo ay waliba ku ladhan yihiin waxyaalo kale oo badani”.

Wasiirku waxa kale oo uu qeexay maalgalinta DP World ee Dekeda Berbera doorarka ay kala leeyihiin Somaliland iyo DP World “Maalgalinta Dekeda Berbera lagu samaynayo oo lacag badan ay galinayso shirkada DP World, oo aynu shuraako ku noqonayno oo aynu wada leenahay, ma laha kaligoo ee waynu wada leenahay, waayo inagu waxaynu leenahay Dalkii iyo Dekedii hore, iyaguna waxay leeyihiin ay lacag iyo qalab, shuraakadaa cusub ee inaga dhaxeynaysa ee heshiiska hordhaca ah ee aynu galnay oo qaybtiisa guudna dhaqso loo gunnaanadi doono, waxa aakhirka ka soo baxaya maxaynu ka macaashaynaa qaran ahaan iyo ummad ahaanba oo ah in dhaqaalaheenii kor loo qaado oo adeeg hufan aynu helayno oo la casriyeynayo dekedeenii iyo waddooyinkeenii iyo in ganacsi badani ina soo maro oo aynu dunida isku furnaano”.

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay heshiiskani saamaynta taban amase togan ee uu ku yeelan karo dadka reer Somaliland “Saamayn taban kuma yeelanayo heshiiskani shaqaalaha hadda ka hawlgala Dekeda Berbera oo waxaanu caddaynaynaa in dhamaantood ay ku jirayaan shaqadooda oo la tababbarayo oo kor loo qaadayo xirfadooda oo ay noqonayaan shaqaale caalami ah, heshiiskaanay ku jirtaa shaqaale la dhimo daayoo shaqaale badan ayaa inoo soo kordhaya, waxa kale oo aynu ka helaynaa fursado kale oo xidhiidhkeena waddankani kor ayuu u kacayaa haddii ay tahay ganacsi iyo is dhexgalba, waxaanu mandaqada Geeska Afrika u horseedayaa horumar iyo camirnaan”.

Wasiirku waxaanu xusay in heshiiskan hordhaca ah ay ugu dhiiradeen in isfaham laga gaadhay meelihii ugu muhiimsanaa, islamarkaana heshiiska Somaliland ay ka kaalinayaan Aqoonyahano, Looyaro, Khubaro iyadoo hore shirkado looyaro ahi ugala shaqaynayeen, oo dawladu lacago badan ku bixisay, haddana kuwo kale lagu kordhinay iyo waliba in heshiiskan la horgeeyo Golaha Wasiirada kaddibna Golaha Wakiilada.

Comments

comments