Somalia: Madaxweynaha Maamulka Muqdisho Oo Safar Ugu U Ambabaxay Dalka Uganda

0
713

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si ay uga qeyb galaan caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan ku guuleystey doorasho ka dhacday dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa lagu marti qaaday in ay ka qeyb galaan casho sharaf ka dhici doonta Madaxtooyada Qaranka Uganda.

Ammaanka guud ahaan dalka Uganda ayaa la adkeeyay iyadoo xaflada caleema saarka Madaxweyne Museveni ay ka qeybgalayaan madax ka socota caalamka. Yoweri Museveni ayaa dib loo doortay 20-kii Bishii February ee sanadkaan, iyadoo Doorashadaas uu qaadacay Hogaamiyaha Mucaaradka ah Kizza Besigye oo la tartamay Madaxweynaha Wadanka Uganda.

Waa Madaxweynihii labaad ee toddobaadkan lagu caleemo saaray dal ka mid ah wadamada ku yaal Bariga Afrika waana madaxweynihii labaad oo la caleemo saaro iyadoo ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan dalka Soomaaliya.