Somaliland: Wasiirka warfaafinta oo faraqa ku shubtay lacagtii warbaahinta ee 18-ka May

0
741

wasiirka wasaaradda warfaafinta, wacyigalinta, dhaqanka Somaliland Cismaan Cadaasi saxardiid ayaa lagu soo waramayaa in uu account ama xisaab u gaar ah ku shubtay lacag dhan 21,000 $, taasoo qayb ka ahayd lacaga dhan in ka badan konton kon oo dollar oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay munaasibada 18-ka May in la siiyo Fanaaniinta, Wariyayaasha si loogu sameeyo warar, warbixino, iyo suugaan kala duwan si loogu muuneeyo xuska Rubuc Qarniga madax banaanida Somaliland.

Wasiir Cadaani waxa uu lacagtaas loo dhiibay ka gaadhsiiyey Fanaaniinta Qaran ee wasaaradda Hoos yimaada $900 oo kali ah, halka uu qaar ka mid ah Fanaaniinta kooxda Xidigaha Geeska ka siiyey 2000$, arrintan oo Gef ku ah fanaaniinta Qaranka ee culayska ugu badani ku dhaco weynaynta xuska 18-ka May.

Wasiir Cadaani iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa la sheegaya sanadkan inay soso jeediyeen inaanay Fanaaniinta Qaranku dhigin Riwaayadii sanadlaha ahayd, taasoo ay sheegeen inay Fanaaniintu sanad kasta ku soo bandhigeen qaladaadka Xukuumadda.

Saxaafadda Xukuumadda gaar ahaan Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka oo diyaarinayey barnaaijyo loogu talogalay xuska 18-ka May ayaa cadaho ka amuujiyey kadib markii uu cadaani damcaya in uu qadhiidh yar ka siiyo lacagtii loogu soso talogay, waxaanay inta badan suxufiyiintii ku talaabsadeen inay joojiyaan samayntii barnaamijyadaasi.

dhinaca kale, lacag lagu qiyaasay 16000$ oo bil walba ka soo hadha xisaabta wasaaradda warfaafinta ayaa lagu soos waramayaa Wasiir Cadaani in uu Leexsaday, iyadoo duruufo kala duwani wasaaraddii la soo darseen, Wasiir Cadaani waxa uu sidoo kale Albaabada u laabay Telefishankii Qaraanka Somaliland, kaasoo uu ka soo bedelay Maxadadii “Frequency” uu ka soo gali jiray, waxaana la hadal hayaa in lacagihii Satelite-ka lagu lunsanayo meel dhexe

Wasiir cadaani ayaa si uu Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxtooyadda u maaweeliyo Qasriga geeyey Farsamayaqaano Dishka u geeya fREQUENCY-GA cusub ee uu u leexiyey Telefihshankii qaranka iyadoo xilligana Xukuumadda ay ku soo beegmayaan munaasibado badan oo loo baahan yahay inay Warbaahinta Dawladdu baahiso balse boqnaha loo gooyey dilaalis yar oo meel dhexe laga saarayo.

Wasiir Cadaani isagoo la daalaa dhacay baahintii Live-ka ahayd ee Telefishanka Qaranka oo xun ama la la’yahay qalabkii lagu kicin la’aa ayuu hadana albaabada au laabay daawashadii Telefishanka Qaranka, waxaanay wararka qaar sheegayaan in uu habeenadana Telefishanka HCTV ka baryayey inay ku duwaan qaybtooda Caasimada laga daawado, hase yeeshee farsaadaas illaa hada way usuurtogali la’dahay Cadaani, waxaanay ku haysaa culays xoob badan, isagoo ka cararaya in ay Madaxtooyaddu ogaatoa farasmaooyinka uu lacagta ka dhex raadinayo ee ragaadiyey bishii uu joogay Telefishanka qaranka

shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa amakaag iyo fajac ku dhacay mudadii yarayd ee uu Cadaani wasaaradda Joogay iyadoo ay wasiirka ku dhabawday gabaygii uu Abwaan Cashuur bilowgiiba ku sifeeyey wasiirka iyo hab-dhaqankiisa.

isku soo duuboo wasiir Cadaani oo ku Faanay in uu yahay Mulkiile isku filan oo shirkad weyn leh, wuxuu isugu soo biyo shubtay in uu Feento wasaaraddii warfaafinta isagoo durtaba baadi goobaya shilimaadkii lagu maarayn jiray warafaafinta.