Somaliland: DEKEDDA BERBERA: Sannadaha Heshiiska, Sanqadha Shilinka, Seenyaalaha SACAD, Saadaasha Samsam & Sanduuqa Sii Furan

0
726

Dadweynaha Oo Isha Ku Haya Siduu U Fulo Heshiiska Xukuumaddu La Gashay Shirkadda Maalgelinaysa Dekedda Berbera Iyo Sida Loo Maamulo boqollaalka Milyan Oo Doollar Ee Heshiisku Ku Kacayo.

Dawladda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay Heshiis Wefti uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Hoggaaminayey Magaalada Dubai Doraad kula saxeexdeen Dawladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ah in Shirkadda Dubai World Ports oo Imaaraadku leeyahay Maal-gelin ku samayso Dekedda Berbera.

Heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay Dawladda Imaaraadka Carabta oo uu dhanka Somaliland Qallinka ugu duugay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Shirkadda Dubai World Ports u ogolaanaya inay Muddo 30 Sannadood ah Maamushu Dekedda Berbera isla-markaana ku samaysato Maal-gelin ballaadhan, taasi oo ay qayb ka tahay in la Ballaadhiyo oo la Casriyeeyo Dekedda Somaliland ee Magaalada Berbera, taas Beddelkeedana ay bixiso Adduun dhan $ 400 Milyan oo Doollarka Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo Shalay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ka dib u Warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay inaan Dekedda lagu wareejinayn Shirkadda Dubai World Ports, isla-markaana Maamulka Dekedda ay Gacanta ku soo heynayso Hay’adda Imikaba Maamusha, laakiin ay Maalgelin ku samaynayso Shirkadda Imaaraadku leeyahay ee Dubai World Ports.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Dekedda Berbera la iibin karo, lamana Wareejin karo oo Dekedda Qarankaa leh, laakiin Arrinka aynu ka hadleynaa waa Arrin Maamul iyo Horumar. Arrintana maaha wax Cusub ee Waddamada Gobolka way ka socotaa (Heshiisyadaasi), Jabuuti baa ugu horeysay, Dekedda Cadan baa ku xigtay, markaa waxaynu ka hadlaynaa waa sidii la inooga taakuleyn lahaa Dekedda, ee loo ballaadhin lahaa ee loo tayeyn lahaa, loona suurto-gelin lahaa in Maraakiib kastaa yimaaddaan, Waayo? Dekeddu maaha inay Somaliland oo keliya u adeegeyso ee waa Mandaqadda oo dhan, markaa lagama hadlayo Wareejin, Iibin iyo Xaraash ee waxa laga hadlayaa Heshiis Maamul.”

Wasiirku waxa uu Sharraxay habka Shirkadda Dubai World Ports ay Maalgelinta ugu samaynayso Dekedda Berbera iyo Doorka Somaliland ku yeelanayso Maamulkeeda, “Waxa la samaynayaa Shirkad Maamusha Dekedda, oo innaga iyo Shirkadda Dubai World Ports wada leenahay (Sameynteeda). Maalgeshigu wuxuu noqonayaa Saddex Heer, marka la isku Geeyo waxa Dekedda lagu Maalgeshanayaa Lacag ka badan $ 400 Milyan oo Dollar, oo ah Muddo 30 Sannadood ah. Dabcan saami bay ku yeelanayaan, Shirkadduna waxay yeelan doontaa Guddi Maamusha, maaddaama oo intaas oo Lacag ah ay gashanaysana Cod bay ku yeelan doontaa weyn (Maamulka Dekedda), Innaguna Maaddaama oo aynu saami ku leenahay Cod baynu ku yeelan doonaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Heshiiskan la hor-geyn doono Goleyaasha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, si ku dhaqankiisa loo Sharciyeeyo, “Waxaanu ku talo jirnaa in Heshiiskan la keeno Golaha Wasiirrada, oo la geeyo Golaha Baarlamaanka, Laakiin, In Golaha la geeyo iyo in Heshiisku dhaco, waxa horeeya in Heshiisku dhaco, markaa Baarlamaanka ayaa la hor-geyn doonaa.”

Wasiir Sacad, wuxuu sheegay in Hay’adda Imika Maamusha Dekedda Berbera ay Farsamo ahaan sideeda u shaqeyn doonto, oo aanay heshiiska ku jirin, “Shirkadda Dekedda Maamuli doonta waxa iska kaashanaya laba Qolo, waa Somaliland iyo Shirkadda Dubai World Ports. Somaliland waxay u igmaneysaa inay hawshaa Wakiil uga noqoto Hay’adda Madaxa-bannaan ee imikaba Dekedda Maamusha (Berbera Port Authority). Waxaana aan Gacantooda ka bixi doonin Maamulka Dekedda iyo soo Xidhista Maraakiibta, sii-deyntooda iyo Dayactirkooda iyo Hawlaha badan ee Adeegyada Badda, waayo? Taasi kuma jirto Heshiiska.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Heshiiska ka dib, Weftiga uu Madaxweynaha Somaliland Hoggaaminayey Hanqul-qalin ahaan loo siiyey Lacag dhan $ 15 Milyan oo doolar, taasi oo uu sheegay in Shan ka mid ah Dekedda loogu soo iib doono Maraakiibta soo xidha Maraakiibta (Tag Boats), halka uu Tilmaamay in 10-ka Milyan ee kalena Qasnadda Dawladda lagu hubsan doono,”Way jirtay Lacag Xaqul-qalin ah, Waa $ 15 Milyan oo Dollar, waa Shan Milyan oo lagu soo iibin doono Maraakiibta soo xidha Maraakiibta ee la yidhaahdo (Tag Boats) iyo 10 Milyan oo Kaash ah, Dee tobankaa Milyan Toos bay u tagayaan Sanduuqa Dawladda.” Ayuu yidhi, isagoo Dhoola-caddeynaya.

Dadweynaha Somaliland, ayaa Gudo iyo dibadba aad isha ugu haya Heshiiska Dawladda Somaliland la gashay Shirkadda Dubai World Ports, waxayna eegayaan sida uu u fulo iyo hannaanka loo maamulo Lacagta lagu sheegay Xaqul-qalinka ee Cadadkeedu dhan yahay $ 15-ka Milyan ee Dollar Iyo waliba lacagta boqollaalka Milyuun ah ee uu ku kacayo Heshiiska Maalgelineed ee Dekedda Berbera.

Inkasta oo Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood durba dhaliileen Heshiiskan, ayaa haddana Dadweynuhu eegayaan sida loo Maamulo Maalgeshigan, Maaddaama oo Dalka iyo Dadku baahi u qabaan maalgalin laga dhaxlo horumar Muuqda oo  lagu kobciyo Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

Waxaana xusid mudan, haddii Heshiiskan la mariyo Dariiqa Sharciga ah isla-markaana Lacagta Xaqul-qalinka ah lagu hubsado Qasnadda Dawladda, Boqollaalka Malyuun ee Maal-geshiga Dekeddu ku kacayana si Cad loo Maamulo, waxa la saadaalin karaa horumar dhaqaale oo la Mahadiyo, Waxaana Taas laga filan karaa fulinteeda Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.