Somaliland: Cali Xoor-xoor iyo Madaxda kale oo ku Kala af-kaar Duwanaaday Saxeexa Heshiiska iyo Duufaano dul Hoganaya Somaliland iyo Jabuuti

0
696

Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo Heshiis qabyo ah ku soo galay Dekedda Berbera iyo Wargeyska Waaheen oo Xog ka helay

Xukuumadda Somaliland ayaa Heshiis qabyo ah la soo gashay Dawladda Imaaraadka, kaasoo labada dal kaga wadashaqayn doonaan Dekedda Berbera oo sida Heshiiska ku cad balaadhin lagu samaynayo dhismaheeda isla markaana dhaqaalaha ka soo bixi doona saami qaybsi loo qoondeeyey labada dhinac. 1) Shariikadda DW waxay la wareegaysa dekedda Berbera iyadoo maamuli doonta muddo soddon sannadood ah (Thirty years) 30 sanno. 2) Waxaa shariikadda DW ay gelinaysa maalgelin dhan $430 malyuun oo dollar. 3) Waxay Shariikadda Dubai World u bixisay xaqa qallin (Kick back) lacag dhan $15000,000 (Shan iyo toban malyuun oo dollar) Oo la siiyay qoyska madaxweynaha 4) Tobanka sannadood ee ugu horeeya shariikadda DW waxay gelinaysa dekedda Berbera lacag dhan $10,000,000 (Toban malyuun oo dollar oo qudha. oo ah tijaabo inay is bixinayso 5) Tobanka sanno ee ugu horeeya Shariikadda DW Waxay siinaysa Somaliland %25 dakhliga soo xarooda.  6) 20 sanno ee ku xiga shariikadda DW Iyo xukuumadda Somaliland waxay u kala qaybsanayaan kharashka iyo Dakhligaba %50.  7) 10 sanno ee ugu horeeya haddii ay DW u aragto inaanay dekeddu isbixinayn waxay ka baxaysa heshiiska. Hadaba Heshiiskan ayaa intii lagu guda jiray waxa ka soo baxaya inay ku kala aragti duwanaadeen Maareeyaha dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor iyo madaxda kale ee xukuumadda taasoo sababtay sida Cali Xoor xoor waraysigiisa uu BBC-da siiyey ku sheegay in Heshiiska wajigiisa kale dhiman yahay, arrintaas oo u muuqata wali qabyo inay ku jirto Heshiiska.  Lama garanayo sababta keentay kala duwanaanshaha madaxda heshiiska soo saxeexday, hase yeeshee wuxuu daba socotay walaac laga qabay Imaaraadka, kaasoo ah inaanay keenin ama aanu caddayn qorshaheeda Dekeddu taasoo keentay in muddo dheer Lolan adagi uu ka dhaxeeyey shirkadihii kale ee kula tartamayey, balse aakhirkii ay xukuumadda qaar ka mid ahi ku adkaysteen in Imaaraadka sidaas Heshiiska lagula galo.   Waxaa xusuus mudan in shariikadda DW ay hore ula gashay dekedda Jibouti heshiis ay kula wareegtay oo ahaa 4.6 Bilyan oo dollar, halka dekedda Berbera lagu wareejinayo 430 malyuun oo dollar oo qudha. Dekedda Berbera sannadkii waxay soo saarta dakhli dhan $130 Malyuun oo dollar hadda. Dawladda Jabuuti ayaa la sheegayaa inay cadho weyn ka muujisay arrintan, waxaanay sida ay wararka laga helayaa ay sheegayaan in Heshiiskan lagu canaantay Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo hawlaha Jabuuti u qaabilsan Somaliland, waxaanu Heshiiskani ku noqonayaa Jabuuti dhi-baaxo labaad oo ay Somaliland ku dhufatay marka lagu daro heshiiskii SOMCABLE ee ay ka baxday. Sidoo kale, Heshiisyada lidiga ku ah Jabuuti waxay saamayn xun ku keenaysaa Musharax Muuse Biixi Cabdi oo six un ugu sawirmay labada Heshiis ee ay Somaliland mid na la gashay Imaaaraadka, mid na ay la gashay Telesom.

Waxa kale oo cadhada Jabuut sii laba jibaaray ganacsadaha Mucaaradka ku ah dalkaasi C/raxmaan Boore, kaasoo la sawirnaa Weftiga Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan Musharax Muuse Biixi oo markii hore lagu tirinayey inay Jabuuti taageerayso, balse imika u muuqda nin albaabkaas gacmihiisa isaga soo xidhay kadib markii uu xukuumadda uu musharaxa u yahay naafaysay mashaariicdii Jabuuti uga socday Somaliland.

Waaheen