Somaliland: Cabdilaahi Geel-jire oo Xukuumadda Jabuuti ku Dhaliilay Meeqaamkii uu siiyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka warfaafinta oo Shaqadiisii ka Seexday

0
758

Cabdilaahi Geel-jire oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa shalay si weyn ugu dhaliilay dalka Jabuuti Meeqaamkii ay Madaxweyne Siilaanyo siiyeen xafladdii Caleemo-saarka, isagoo sheegay in dareenkaas shacabka Somaliland oo dhami ka xumaadeen.

Cabdilaahi Geel-jire waxa uu sheegay inay ceeb ku ahayd Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in la fadhiisiiyo meel aan meeqaamkiisa ahayn isla markaana uu sacabka u tumo madaxdii kale ee dhigiisa ahayd ee ka qayb galaysay munaasibadda.

Cabdilaahi Geel-jire waxa uu Madaxweynaha Jabuuti ku dhaliilay in uu karaameey madaxweynayaal aan mudnayn in ay ka sharaf bataan Madaxweyne Siilaanyo oo ah madaxweyne shacabkiisu doorteen, isagoo tusaale u soo qaatay madaxweynaha Somaliya iyo ka Suudaan oo mid na aan haysan kalsoonida shacabkiisa, ka kale na ay doon doonayso maxkamadda danbiyada caalamiga ah. “Ummada reer Somaliland gudo iyo dibad meel wal oo ay joogan aad iyo aad ayey uga xumaaden soo dhaweyntii madaxweynaheena ee Jabuuti qaybteedi danbe, aniguna waxan la qabbaa dareenka aan raalida  ka ahayn madaxweynaha sida loogu soo dhaweyey xaleemo saarka madaxweyne Geelle”

“Mar haddii Madaxweynaheenu Marti u ahaa madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa iyo dawladiisa waxay ahayd in Madaxweynaheena uu siiyo meeqamka madaxweynenimo ee uu siiyey Madaxweynayaasha kale ee xafladiisa yimid, may ahayn in meel isku dhex jir ah oo shacab iyo dadkaleba fadhiyaan uu fadhiisiyo, may ahayn in Madaxweynaheenu inta kaadinka la fadhiisiyo, madaxweynayaasha kalena Qolka loogu geeyo in uu madaxweyneenu soo dhaweyo oo uu ka mid noqdo kuwa u kacaya ee sacabka u timaya Geelle iyo madaxweynaysha kaleba, waxay ahayd in uu ka mid noqdo kuwaasi Sacabka loo tumayo,”Ayuu yidhi.

Hadalka Cabdilaahi Geel-jire ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dadweynaha Reer Somaliland cadho weyn ka muujiyeen hab-maamuuska Madaxweyne Siilaanyo, halka wasiirkii Warfaafinta ee Somaliland oo sheegta Af-hayeenka Madaxweynaha aanu arrintan ka damqan ama aanu kaba war haynba.