War Deg Deg Ah:-Dabley Hubaysan Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Guriga Uu Magaalada Laascaanood Ka Dagan Yahay Gudoomiyaha Gobolka Sool

0
1181

Warar naga so gaadhaya magaalada laascaanood e xarunta gobolka sool sona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Warganenews ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay dabley hubaysani weerar ku qaadeen guriga uu magaalada laascaanood ka dagan yahay gudoomiyaha gobolka sool Mudane Mustafe Shiine.

Waxaana dableydan oo ilaa hada aan haybtooda aan la garanayn ay sida naloo sheegay ay rasaas ku fureen guriga uu dagan yahay badhabsaabku,balse wakhtigaa gudoomiyuhu ka maqnaa guriga.

Dableydan ayaa sida la sheegay markii ka baxsaday meesha iyaga, waxaana markiiba gobta soo gaadhay ciidamada booliska gobolka sool, iyaga oo walina baadhitaan ku wada kuna daba jira dableydii weerarka kusoo qaaday guriga gudoomiyaha.

Rasaarta ay rideen dableydu Ayaan iyadu wax khasaare ah gaysan wallow ay daldaloolisay gurigii gudoomiyahu dagana oo markaa ka maqnaa gudoomiyuhu.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada wararka Warganenews