Somaliland: Wasiirka Ganacsiga Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti ka Socday Baanka Adduunka

0
749

Wasiirka   Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ee jamhuuriyadda Somaliland  Eng Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) ayaa maanta xafiiskiisa  ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Baanka Adduunka (The World Bank).

Weftigaasi wuxuu ka koobnaa khubarro iyo aqoon-yahanno ka tirsan World Bank oo u kuur galayey sidii wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga looga taageeri lahaa xagga Aqoonta iyo Adeegsiga ICT-ga iyo sidii loo hirgelin lahaa loona  taabo-gelin lahaa xarunta diwaan-gelinta Adeega Ganacsiga ee Wasaarada (One Stop Shop Business Registration). mashruucani wuxuu  wax weyn  ka tari doonaa horumarinta  hawlaha ay wasaaradu qaranka uga masuulka tahay, gaar ahaan xagga fududaynta Adeegyada Ganacsiga iyo Xeerarka Maalgashiga kuwaasoo lagama maarmaan u ah Maalgashiga Caalamiga ah ee uu dalkeennu u baahan yahay.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga wuxuu warbixin faah-faahsan weftiga World Bank-ka ka siiyey goobta istaraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga caalamku. Wasiirku waxa kale oo uu ka weftiga ka socday Baanka Adduunka uga warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ee dalka ceegaaga ee u baahan in la Maal-gashado.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay JSL haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.

Kulanka uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu la yeeshay Baanka Adduunka waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud, Agaasimaha  waaxda Ganacsiga iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaarada. Kulanka ayaa wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad ay labada dhinac isla qaateen in Mashruucan loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan leh ee ugu macquulsan.