Somaliland: Suldaan Wabar Oo Mar Kale Dagaal Iclaamiyey, Baaq Colaadeed-na U Diray Bulshada Awdal.

0
844

“Ragga Leh Halgankii Wuu Joogsaday Waa Beenaalayaal Ama Baydhi Qaatayaal, Ninkii Halganka Wax Ku Darsanayoow Waa Lagu Baahan Yahay” Suldaan Abubakar Cilmi Wabar

Suldaankii buurogaleenka ahaa ee Suldaan Abuubakar Cilmi Wabr ayaa mar kale shaaciyey wax ku sheegay halgan uu ugalayo dadka reer Awdal o uu sheegay inay cadaalada u baahan yihiin.

Suldaan Wabar oo sannadkii hore waan waan ka dib joojiyey jabhadayn uu ka bilaabay buuraha gobolka Awdal, halkaasoo uu muddo ku dhuumaalaysanayay isagoo mararka qaarna u talaabayay xuduudka Itoobiya.

Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay inuu halgankii dib u bilaabayo, raggii dagaalami lahaana uu hayo, waxaana uu iclaamiyay waxa uu ugu yeedhay halgan, sidoo kale Suldaan Wabar waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo cidii ku soo biiraysa jabhadiisa, waxaana uu yidhi:

“Rag badan oo reer awdal ah oo dadka aanu u halgamayno ee aanu nafta u hurayno ah ayaa yidhaahda suldaankii wuu tagay halgankii wuu joogsaday arrintaas waxba kama jiraan hadalkaas waxaan leeyahay waa been weeye waan joogaa, raggii halgamayay wali way joogaan, dadka sidaas yidhaahda ee ku andacooda halgankii wuu joogsaday waxaan odhan karaa dadkaasi ama waa beenayaal ama waa baydhi qaatayaal amaa waa bakhaylo aan jeclayn inay halganka wax ku darsadaan, ninka halganka wax ku darsanaya ee caruurtiisa dhul ay ku noolaadaan uga tagayoow waa lay diin baahan yahay halgankiina wuu nool yahay”

Ilaa haatan ma cadda halka uu Suldaan Wabar ku sugan yahay waxaase la ogyahay inaanu ka baxsanayn gobolka Awdal, balse muhiimadda ayaa ah talaabada ay xukuumaddu ka qaadi doonto markan.