Somaliland: Oo Salluugtay Baratakoolkii Siilaanyo Loogu Qaabiley Xafladii Dhaarinta Madaxweyne Geelle

0
841

“Waxay Aheyd In Uu Geelle Madaxweynaheenna Siiyo Meeqaamka Soo Dhaweyneed Ee Uu Madaxweyneyaashii Kale Siiyay….”

“Raga Meesha Marayay Waxa Ka Mid Ahaa Rag Aan Laheyn Meeqaanka Qof Ahaaneed Ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo” Cabdilaahi Geel-jire

Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda Somaliland, kana tirsan Guddida aqoonsi raadinta Somaliland,  ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay ku xad-gudubtay oo ay meeqaam hoose ku qaabishay Madaxweynaha Somaliland, markii uu Axadii ka soo qeyb galay xafladii lagu caleemo-saarayay Madaxweyne Geelle oo xilka markii afraad shacbigiisu dib u doorteen.

“Ummada reer Somaliland gudo iyo dibad meel ay joogaanba aad iyo aad ayay uga xumaadeen soo dhaweyntii Jabuuti ee Madaxweynaha Somaliland, qeybteedii dambe, aniguna waxaan la qabaa dareenkaas aanan raali ka aheyn sida loo soo dhaweeyay Madaxweynaha qeybtiisa dambe, waana aynu ognahay siduu u dhacay,”ayuu yidhi Cabdilaahi Geel-jire, oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta waxaanu intaas ku kabay “Waxay aheyd maadaama isaga iyo shacabkiisa iyo dawladiisaba aynu marti u aheyn in uu Madaxweynaheenna siiyo meeqaamka soo dhaweyneed ee uu Madaxweyneyaashi kale ee dalkiisa yimid uu siiyay.

may  aheyn inuu meel isku dhex jirta oo shicib iyo dad kaleba ay fadhiyaan uu fadhiisiyo, manay aheyn intuu kadinka kaga hor tago inuu ka duwo kuwii kale, manay aheyn inuu Madaxweynaheenu noqdo kuwa sacabka u tumaya Madaxwaynaha Soo galayai iyo kuwa kale ee la socdaba, waxaanay aheyd inuu ka mid noqdo kuwaas sacabka loo tumayo .”

xaflad-jabuti-1-2

Cabdillaahi Geel-jire waxaa ku dooday  in Madaxweynayaasha meesha marayay aanay qaarkood laheyn mustawaha iyo kartida  uu leeyahay Madaxweynne Siilaanyo  waxaanu yidhi “Raga meesha marayay waxa ka mid ahaa rag aan laheyn marka laga reebo Ictiraafka caalamiga ah ee dalkoodu leeyahay, aan laheyn meeqaamka  qof ahaaneed ee Madaxweyne Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo leeyahay ee taariikhda ah, ee dad-nimada leh ee hogaaminta leh, ee halganka leh, aan laheyn baa fadhiyay, qaar maxakamadaha caalamku raadinayaan ayaa Madaxweynaheeni la yidhi sacabka u tun, oo meesha fadhiyay meeqaamka ninka maxakamad caalamku raadinaysaa ee meesha fadhiyay uu leeyahay ee aanu  Madaxweynaha shicibkiisa iyo umadiisuba ay jecel yihiin oo  ay doorateen   aanu lahayn anigu garanmaayo.”

“Qaar baa yidhaahada laynama Ictiraafin Madaxweynaheenu UNITED NATION-kana muu tagin, oo kursigii dawlada la Ictiraafsan yahay ee Xasan Sheekh kursiga ay ku fadhiisanaysana kumuu fadhiisanayn oo kumuu murmayn, AU-dana muu tagin, Hay’ad kale oo caalamiya oo kursigeeda Soomaaliya loo qorsheeyayna muu tagin, waxaanu tagay wadan aynu walaalo nahay, oo ina marti galiyay oo meeqaamka uu uu qabanayo isagu xor u ah, inaynu aqbalana may aheyn laakiin sida aynu uga baranay Madaxweynaheena, niyad wanaag ayuu wax walba ku dhameeyaa, niyad wanaag uu  dadkaa aynu jaarka aheyn u samaynayay ayuu sidaas u sameynayay, oo aanu ka sameynin si ka duwan sida lagu maamusay, ee uu sidaas ku liqay,”ayuu yidhi Cabdilaahi Geel-jire oo mar xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo oo kala ahaa Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo warfaafinta.

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Waxaan ka raali-galinaynaa dadka shacabka reer Somaliland ee ku sugan  Jabuuti, inay arrimaha noocan oo kale ahi dhacaan, umaynaan dhiman una dhiman mayno, laakiin waxaynu u baranay khibrad baynu ka qaadanay, wixii aynu ku xisaabtamaynay wax ka hooseeya ayaynu ogaanay, inagaana markaa hore gaadhsiinay meel aanu joogin,”