Somaliland: “Doorasho Ayaa Inagu Soo Socota, Waxaan Asxaabta Kula Dardaarmayaa Tartan Nadiif Ah”

0
914

Cabdikariim (Cabdi Waraabe), ayaa ka hadlay gaabiska ka muuqda Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu dadka ku booriyey in aanay dhayalsan kaadhka diiwaangelinta oo ay qaatan.

Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Garyaqaankii Somaliland ee loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliya, iyo Doorashooyinka ku soo foosha leh Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Dhayalsani badan ayaad mooda inuu Diiwaangelinta kaadhka cod bixinta ka muuqato, waxaan ku boorinayaa Shacabka Maroodi-jeex inay kaadhka ay Doorashada ku galayaan ee ay ugu codaynayaan Xisbiga iyo Musharaxa ay doonayaana inay ku codeeyaan inay qaatan, oo jiifka ka kacaan, Shacabka Marood-jeex oo qudha maaha guud ahaan Shacabka reer Somaliland cid walba oo xaq u leh inay kaadhka Diiwaangelinta Codeynta ee ay Doorashada ku galayaan waxaan kula dardaarmayaa in aanu kaadhkaasi seegin, oo ay galaan, kana qayb qaatan”.

Xaaji Cabdi Waraabe mar wuu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Haddii Rabi idmo Doorashooyin ayaa inagu soo fool leh, waxaanan rajaynayaa inay Doorashooyinkaasi si fiican inoogu dhacaan dadkuna si fiican u codeeyaan, waxaanan Axsaabta kula dardaarmayaa inay si fiican u tartamaan, oo tartan nadiif ah iyo olole nadiif ah oo bilaa turxaan ahi dhexmaro”.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar wuu ka hadlaayey Garyaqaankii Somaliland ee loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliya ayaa yidhi “Ninkaasi  haddii uu Somaliya tagay oo uu xil u doontay, wuxuu sameeyey waa la arkaa, laakiin anigu waxaan u arkaa inuu yahay nin shaqo tagay, wax dhib ahna inaguma hayo, Jamhuuriyada Somaliland intaas waxba u noqon mayso”.

Xaaji Cabdi Waraabe mar wuu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya inay wada hadlayaan oo Dawladdo dhex dhexaadinayaan, oo Turkigu gogol u fidiyey, mar walba Somaliland guul baan u rajaynayaa, waxaan u rajanayaa in wada hadaladaas ay ka soo baxaan wax Somaliland u dan ah oo Shacabkeedu ku farxo”.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa mar wuu baaq uu u  diraayey Bulshada reer Somaliland ayaa yidhi “Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogto Gobol kasta oo ay joogaan, waxaan kula dardaarmayaa, oo aan leeyahay isku duubnaada, mid noqdo qaranimadiina ilaaliya, qabyaalada iska naca, oo wada jirkiina dhawra, ALLENA abaartii wuu inaga jabiyey, oo raxmaadkiisi buu inoo shubee shugriga iyo cabsida ALLE badiya”.

Dhanka kale wuxuu Xaaji Cabdi Waraabe ka hadlay Tahriibka Dhalinyarada oo waxaanu Booliska uga mahadnaqay gacanta ay ku dhigeen dadkii tahriibaya Dhalinyarada, waxaanu sheegay inay jiraan Xafiisyo ka furan Magaalooyinka qaar oo lagu dhiirigeliyo Tahriibka Dhalinyarada, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay arintaas ka hawlgasho oo cid walba oo gacanta kula jirta hawshaas ay sharciga hor keento, waxaanu Dhalinyarada ugu baaqay inay dalkooda xamilaan.