Somalia: IGAD oo qalabka lagu maamulo duulimaadka hawada ugu deeqdey Dowladda Federaalka

0
785

Masuuliyiin ka socdey urur goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey qalabka lagu hago diyaaradaha hawada Soomaaliya. Qalabka waxaa la wareegay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, sida ay sheegtey warbaahinta Dowladdu.

Munaasabad qalabkaasi lagula wareejinayay Dowaladda federaalka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jaamac Jengeli, maareyahaya hey’ada duulista iyo saadaasha hawada, masuuliyiin ka socotay urur gobeleedka IGAD iyo marti sharaf kale.

Urur goboleedka IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay qalabkan, waxaana qalabka ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duuliska hawada Soomaaliya Dr. Guuleed Cartan oo ah agaasimaha hawada iyo beeraha ee urur goboleedka IGAD oo uu wehliyay wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay.

Maareeyaha hey’adda duuliska saadaasha hawada ee Soomaaliya,C/waaxid Axmed ayaa sheegay in qalabkaasi uu faa’iidooyin badan u leeyahay la socodka dhanka duulimaadka.

Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac ayaa sheegay in qalabka lagu wareejiyey kaalin muhiim ah ka qaadanayo fulinta hawlaha wasaaradda, wuxuuna u mahad celiyay IGAD.

Deeqdan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii safiirkqa Kenya sheegey in maamulka hawada Soomaaliya iyo qalabkiiba si rasmi ah loogu wareejinayo Dowladda Federaalka.

Kadib qaranjabkii Soomaaliya oo ay meesha ka baxdey Dowladdii Dhexe waxaa hawada Soomaaliya lagu wareejiyey hay’adda ICAO oo fadhigeedu ahaa dalka Kenya.