Somalia : Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Muqdisho Oo Maxkamada Sare Oo Xilkii La Wareegay + (Sawiro).

0
703

Munaasabad uu xilka kula Wareegayay Guddoomiyaha Cusub Maxkamada Sare ee Dalka, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qayb-galeen Madax uu ka mid ahaa  RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte.

Xafladdan oo ka dhacday Xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxaa kaloo ka ahaa Goob-joog Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil iyo Hawl-wadeennada Garsoorka, Waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay RW ku xigeenka Somalia oo ku tilmaamay isbeddelkan mid dhanka garsoorka dalka u ah Taariikhi waxaana uu yidhi

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo uu ku tilmaamay tiir ka mid ah Tiirarka ugu Waaweyn garsoorka dalka, maadaama uu kasoo shaqeynayay ku dhawaad illaa 60-sanadood hawlaha Garsoorka Waddanka, Maantana uu ku baneeyay Kursiga si Sharaf leh oo ay Waddaniyadi ku dheehan tahay,” ayuu yidhi Carte

1-7 3-6 4-6