Somalia: Al-Shabaab oo sheegtey in ay fashilyeen weerar Maraykanku ku soo qaadey

0
842

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in ciidamo ka tirsan kuwa Maraykanka ay weerar isku dayeen in ay ka fuliyaan deegaanka Toorow-Toorow oo ka tirsan Shabeelada Hoose, sida ay baahisey warbaahinta ku hadasha afka al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtey in ciidamada soo weeraray ay gaarayeen ugu raan 10 askeri, waxaana ay ku soo degeen meel 6km u jirta deegaanka Toorow-Toorow, kadib waxaan kala hortagney dagaal ayey yiraahdeen kaas oo fashiliyey qorshihii ay u socdeen.

Maraykanka ayaan ka hadlin sheegashada al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii danbe sheeganaysey weeraro gaadmo ah in ay ka fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran kwaas oo lagu diley saraakiil ka tirsan al-Shabaab, waxaana Dowladdu sheegtey in weeraradaas ay la fuliyeen saaxiibadooda Maraykanka.