Somaliland: Wasiirka Waxbarashada Oo Hab Sharci Darro Ah Ardayda Dugsiyada Waxbarasho Iyo Jaamacadaha Dalka Ugu Hanjabay Inaanay Imtixaan U Fadhiisanayn Ilaa Ay Isdiiwaangaliyaan

0
653

Sharci Ahaan Muwaadinta Reer Somaliland Miyaa Lagu Khasbi Karaa Qaadashada Kaadhka Codaynta Iyo Doorasho Toona?

Wasiirka waxbarashada Somaliland mudane Cabdilaahi Ibraahin Habbane “Cabdilaahi Dheere” ayaa ardayda wax ka barata dugsiyada sare iyo dhexe iyo waliba Jaamacadaha ugu hanjabay in aanu imtixaan galayn ardayga aan is diwaangalin ee aan sida kaadhkii codaynta, arrintaasi oo aan la ogayn sharci ahaan halka ay salka ku hayso maadaama muwaadinka aan lagu khasbi Karin codaynta iyo in uu isu diiwaan geliyo doorasho toona.
Waxaana uu wasiirku amar ku bixiyay maamulayaasha dugsiyada waxbarasho inaan imtixaan loo sii dayn Karin arday aan siday warqadii diiwaanglinta isaga oo dhanka kalena ardayda ugu baaqay inay is diwaangaliyaan isla markaana ay qaataan kaadhka codaynta.
Waxaana wasiirka oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi: “Diiwaangalntii waxay ka socotaa iminka gobolkan maroodi-jeex waxanay tagi doonta insha alllah buuhoodle,sool iyo sanaag,waxaanan sheegaynaa diiwaangalintu waa qodob muhiima dhalinyaradana waa u muhim, ardayda dugsiyada ee qaangaadhay ee hoose, dhexe, sare iyo jaamacadahaba waxaan ka codsanaynaa inay is diwaangaliyaan, maamulkooda iyo macalimiintoodana waxaan u sheegaynaa in imtixaanka lagu xidhi doono ardaygii is diwaangaliyaana uu imtixaanka gali doono kii kalena aanu galayn marka laga reebo ardayda rabta inay tagaan oo gobolo kale iska soo diiwangaliyaan iyo caruurta aan da’dii gaadhin inta kale waa lagu xidhayaa”Sidas ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheere.
Wasiirka waxbarashada Somaliland isagoo hadalkiisa si wata ayaa waxa uu intaa ku daray: “Amarkani waa mid wasaarada kasoo baxay waanan bixinay waana la waydiinayaa imtixaanka yar iyo ka shahaadiga ahba midna u fadhiisan mayaan ardaydii aan warqada diiwaangalinta sidani waana amar soo baxay markaa waa inay dhalinayradu is diwaangaliyaan’”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka waxbarashada Somaliland. Si kasteb ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilii ay diiwaangalintii codbixiyayaashu kasocoto gobolka maroodi-jeex ayna sida la sheegay ka muuqato habacsanaan wayni. Arrintan ayaa aad loola yaabay lana hadal hayaa .