Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ciidamada Booliska, Sirdoonka Iyo Laanta Socdaalka Ku Amray In Shacabka La Waydiiyo Kaadhka Muwaadinka

0
736

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland  mudane  Cali MAxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland .

Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland    isaga  oo  ogsoon  in ilaalinta  nabadgalyadu ay  tahay  ahmiyada  Koowaad ee qaranka  waxaa lagama maarmaan ah  in aynu  adkayno la socodka  dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta  ah iyo kuwa Ajaanibka ah.

Sidaas awgeed  waxaa  la bilaabayaa olole lagu  baadhayo dadka  laguna  kala saarayo  Qofka   muwaadinka ah  ee sita  Kaadhka aqoonsiga  Dhalashada   ama  Kaadhka  Degenaanshaha  ajaanibka. Waxaanay ciidamada amnigu  billaabi  doonaan  Baadhis  Iyo In Dadka La Joojiyo  iyadoo  baabuurtana lagu  joojin doonaa  waddooyinka.

Waxaana  Dadkaa la weydiin  doonaa

1-      Kaadhka  Aqoonsiga Muwaadinka

2-      Kaadhka  Degenaanshaha  Ajaanibka

Hadaba  waxaa la idin  farayaa  in aad u  diyaar garawdaan  habeenka  arbacadu soo galayso ee bishu  tahay 11/05/2016 iyada  oo ay  hawshan  ka qayb  gali  doonaan  Ciidamada Boliska, Waaxda  socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.

Jamaal Cabdi Muxumed

Af-hayeenka  Wasaarada Arrimaha GUdaha JSL.

waran