Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Imaaraadka Carabta +SAWIRRO

0
761

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Imaaraadka, lana filayo inay guddo galaan ujeedada socdaalkooda sida ugu haboon.

Waxa Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey madax sar sare oo ka socda isu-tagga imaaraadka carabta kuwaas oo madaxweynaha ku sugaayey garoonka diyaaradaha markii uu soo degay madaxweynuhuna waxa loo gelbiyey goobtii loogu talogalay inuu ku soo dego, waxa iyaguna madaxweynaha soo dhaweeyey Masuuliyiintii halkaa hore ugu sugnayd ee ka socday Jamhuuriyada Somaliland oo kala ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) iyo Protocol ku xigeenka Madaxtooyada Caydaruus Mahdi Xaashi.

411 224 194 184 175 1118 912 613 2110