Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Rasal Wasaare Ku-xigeenka Dawladda Imaaraadka Carabta.

0
712

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, isla markaana ah Wasiirka Madaxtooyada Imaaradda Abu Dubai.

Kulanka Guddoomiyaha KULMIYE la yeeshay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadka oo ahaa mid gaar ah oo qaatay muddo saacado ah waxay kaga wadahadleen arrimo badan oo ku
saabsan danaha labada waddan ee Somaliland iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta, gaar ahaana imaaraadda Abu Dubai, xidhiidhka labada dawladood iyo sii xoojinta wax-wadaqabsi ka dhexeeya.
Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan qodobada ugu mudan ee ay ku falanqeeyeen wadahadalkooda waxa ka mid ahaa; In kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Arrimaha nabadgalyada gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa ka wadashaqayntooda si loo ilaaliyo ammaanka mandaqada.
Waxay lafa-gureen taakulada dawladda Imaaraadka Carabtu siiso Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha kale ee dawladda Somaliland danaynayso in gacan laga siiyo si ay horumar uga samayso arrimaha shaqo abuurka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Guddoomiyaha KULMIYE iyo Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadku waxay ka wadahadleen sidii labada waddan u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka ganacsi iyo isu-socodka labada ummadood ee walaalaha ah iyo weliba qodobo kale oo muhiim ah.
Dhinaca kale, weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo isku dhan waxay galinka dambe ee maanta la kulmi doonaan Sheikh Mahamed bin Rashid Al Maktoum oo ah Ra’iisal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka UAE, isla markaana ah maamulaha Imaaradda Dubai, kaasoo ah masuulka fidiyey marti-qaadka weftiga Somaliland ku joogaan Imaaraadka Carabta.
ALLAA MAHAD LEH.
Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE