Somaliland: Faysal Cali Waraabe Oo Daaha Ka Feyday Qorshe Halis Badan Oo Xisbiyadu Ku Iibsanayaan Waraaqaha Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka & Qiimaha La Kala Siisto

0
722

“Arrintaa waxay bilaabeen Ragga Xisbiyada ka tirsani markii la joojiyey Codeyntii lagu noqnoqonayey. Laakiin Nin ku soo baxa Musuqmaasuq Ummadda wadi maayo.” Guddoomiyaha UCID

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ku eedeeyay inay Dadweynaha ka iibsanayaan Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada, markii la joojiyey Codeyntii dhowrka jeer lagu noqnoqonayey.

Faysal Cali Waraabe oo Wareysi siinayey Telefiishanka Universal, ayaa sheegay in Doorashada soo socota ay ku soo korodhay wax aan siyaasadda Dalka ku jirin, taasi oo ah in Rag uu sheegay inay Xisbiyada ka mid yihiin ay iibsanayaan Kaadhadhka Cod-bixinta isla-markaana Qofku marka uu is-diwaangeliyo ay Warqadda Cod-bixinta kaga beddelayaan Lacag uu ku sheegay $ 30 doollar.

Faysal oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Doorkan waxa Innagu soo kordhay Waxaan Siyaasaddeena ku jirin, waxa soo baxay Rag ka tirsan Xisbiyo oo iibsanaya (Kaadhadhka Cod-bixinta) oo Min $ 30 Doollar Dadka ka siisanaya Dadka.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu Wareysigan ku sheegay oo kale in Ragga Xisbiyada ka midka ah ee Kaadhadhka iibsanaya qaarkood Dad Dhallinyaro ah u daabuleen Berbera si ay iskaga diwaangeliyaan, taasina sababtay in Dhallinyarada badhkood badda ku dhintaan, “Waxa jira qaar doonaya in Berbera looga codeeyo oo Carruurta ku odhanaya Badda ayaanu idin geynaynaa oo Carruurta qaarkood Badda ku dhinteen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Arrintaa waxay bilaabeen Ragga Xisbiyada ka tirsani markii la joojiyey Codeyntii lagu noqnoqonayey. Laakiin, Annagu Haddii aanu Nahay UCID waxaanu ognahay in Doorashada ILAAHAY Gacanta ku hayo, laakiin Nin ku soo baxa Musuqmaasuq Ummadda wadi maayo.”

Guddoomiyaha UCID, waxa uu ku baaqay in Arrinkaa wax laga qabto, “Markaa arrintaasi way jirtaa ee in laga hawl-gelo ayay u baahan tahay, nidaamkaasina waxay innaga xumaynaysaa Diwaangelinta.” Ayuu yidhi.