Somalia: Madaxweyana Somaliya Oo Sheegay In Dib Loo Soo Celin Doono Dhalinyarada Somaliyeed Ee Tahriibka Ku Galay Wadamada Qaarada Yurub

0
740

Madaxweynaha dalka Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in dib dalka Somaliya loogu soo celin doono dhalinyarada Somaliyeed oo tahriibka sharci darada ah ku galay qaar ka mid ah waddamada qaarada Yurub waxaana uu yidhi

“Dhalinyarada soomaliyeed oo badda ka gudbtey ee  Italy joogta sida ay u hayaan waanu ka mahad celineynaa wada hadalo bilow ah baa noo socda oo ah sidii dhalinyaradaas Somaliya loogu soo celin laha iyaga oo raali ah isla  markaana aan la soo qasbin ” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud