Dooni Siday Tahriibayaal Soomaali U Badan Kana Shiraacatay Dalka Masar Oo Ku Degtay Badda U Dhashaysa Talyaaniga Iyo Giriiga.

0
622

Wararka aanu ka helayno dalka Masar ayaa ageeya in doon siday tahriibayaal tiro badan ay Degtay, Doonidan oo dadka saarna ay isugu jireen Soomaali, Sudaniyiin iyo Masaari isla markaana Khamiistii Todobaadki Lasoo Dhaafay ka baxday magaalada Alexandiraya ee dalka Masar ayaa waxay ku degtay siday sheegayaan wararka hordhaca ahi badda u dhaxaysa dalalka  Giriiga iyo Talyaaniga.

Ilaa hadda warar rasmiya laga hayo  wax ka badbaaday dadkii doonta saarna iyo inta ku haligantay toona. Geesta kale wararka ku dhaw-dhaw Doonidaas ayaa sheegaya inay raceen dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ku jiraan arday wax ka baran jirtay Jaamacadaha Dalka Masar.