Somaliland: “Waxaan Leeyahay Maanta Waxaynu U Baahannahay In Aynu Isugu Abaalgudno Sidaynu U Kala Mujaahidsanahay”.- Wasiir Cali Waran-Cadde

0
808

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha KULMIYE oo kormeerayey hawlaha diiwaagelinta ee degmooyinka Laas-geel, Cadaadlay, Sabawanaag iyo Sallaxlay, ayaa shacabka reer Somaliland ku boorriyey inay ku doortaan murrashax Muuse Biixi abaalka uu ku leeyahay dalka.

Md. Cali Warancadde waxa uu yidhi;

“Waa maalintii aad miisaami lahaydeen cidda idin hoggaaminaysa, sidaa awgeed idinkoon wax kale ku raacin waa inaad ku raacdaan miisaanka uu leeyahay qofka innaga hoggaaminayaa oo aanay wax kale idin duwin, markaynu madaxdeena kala dooranayno waxaynu u baahannahay in aynu qofka baadhno oo aynu nidhaahno ebel muxuu yahay, muxuu soo qabtay, ma nin adhigiisa raacda ayuu ahaa, ma dukaanleh ayuu ahaa, ma nootaayo ayuu lahaa? Waxyaabaha aynu maanta ku faanayno ee ah in xornimadii dalkeennii soo noqotay, inkastoo anigu aan yar habsaamay, raggii soo xorreeyey ee u soo halgamay ee naftooda u soo huray ee sharaftii innaga luntay lixdankii ku dagaallamay ee maantana madaxda ka ah, berrina qordinaya inaad dadka u eegtaan kitaabkaa qoran ee Somaliland ah ayaa loo baahanyahay, in nin waliba weelka uu bulshadan u dhigtay sow in wax loogu rido maaha, haddaynu mid moqorafad halkan ka soo qaatay een…arrinteenu maaha inay noqoto anigana dhiisha ii qabo.”
“Waxaynu u baahannahay in aynu dadkeenna kala shaandhayno oo ciddaynu wax ku aaminaynaa wuxuu soo ahaa, maaha muxuu naftiisa u qabtay ee waa muxuu ummadda u qabtay. Markaa waxaan leeyahay maanta waxaynu u baahannahay in aynu isugu abaalgudno sidaynu u kala mujaahidsanahay, kii u waynaa oo ah Axmed Siilaanyo wuu inoo hayaa, kii ku xigayna waakan i ag fadhiya (Muuse Biixi).”