Somaliland: “Waxaad Maqli Jirteen Madaxweynayaal La Yidhaahdo Dhab-Libaax Bay Ku Seexdeen Ee Muuse Biixi Dhabtii Hooyadii Ayu Ku Seexday” – Wasiir Cabdillaahi Cukuse

0
716

Maba Jiro Xisbi Kale Oo Iddin Hoyanayaa Hdad Duco Kasta Akhriidan  Maantana Waxaynu Wadana Muuse Biixi

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha KULMIYE oo kormeerayey hawlaha diiwaagelinta ee degmooyinka Laas-geel, Cadaadlay, Sabawanaag iyo Sallaxlay, ayaa dadweynaha degmada Sallaxlay xasuusiyey xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo murrashax Muuse Biixi.

Md. Cabdillaahi Cukuse waxa uu yidhi; “Waxaad maqli jirteen madaxweynayaal la yidhaahdo dhab-libaax bay ku seexdeen, haddaba Muuse Biixi dhabtii hooyadii ayuu xalay (Jimcihii) ku seexday, Sallaxlay buu seexday, mana jiro guddoomiye xisbi kale oo idinkoo is-diiwaangeliyana idinla seexday oo yidhi waan idiin dub-jirayaa oo waxaan idinu dhiirrigelinayaa inaad is-diiwaangelisaan, codkaana isagaa iska leh oo tacab baa ka galay. Meel bani’aadam ku ammaan helo oo uu ku nasto oo uu ku farxo oo uu naxariis ka helo waxa ugu wanaagsan dhabta hooyada, Muuse-na hooyo ayeynu u nahay, waanaynu wada dhisaynaa ee aynu sidaa isku ogaanno.”