Somaliland: Suldan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Xukumadda Iyo Madaxwayne Siilaanyo Ugu Baaqay In Salaadiin Ku Xidh Xidhan Jeelka Mandheera Dib Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyoa

0
702

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ah suldaanka guud ee subeer awal ayaa xukumadda Somaliland iyo madaxwaynahaba ugu baaqay in dib loogu soo celiyo salaadiin iyo madax-dhaqameed  ku xidh xidhan jeelka mandheera oo lagu eedeyey inay ka dambeeyeen dhacdo weerar ah  oo lagu qaaday goob diiwaangalintu ka socoto oo ku taala magaalada hadayta oo kamida gobolka awdal.

Waxaana uu suldaanku sheegay in markii dhagaysiga dacwada salaadiinta lagu guda jiray uu sheegay in danbi baadhihii kiiska salaadiinta gacanta ku hayay uu sheegay inaanu waxba soo baadhin balse baadhista kiiskaas uu ka dul qaaday askari ka tirsan ciidamada booliska saldhiga Koonbuur waxana uu sidoo kale suldaanku carabka ku dhuftay inaanay ilaa hada garanayn cida ay talada dalka ka go’do oo hogaamiya.

Waxana suladan Xasan isagoo arimaha ka hadlay uu yidhi sida tan.

“Xukunka maanta ku dhacay salaadiinta iyo madax-dhaqameedka ee lagu soo beegay diiwaanglaintii,sacabka habeenkii la tumo maxaa ku jira ayaa la yidhi  xeelad baa ku jirta, jeelkana rag baa loogu talagalay, sifo sharci darro ahna way ku xidhan yihiin,rag danbe ayaa ka talin doona mana joogayso xukumadda liidata ee hada fadhidaa,Cid meeshan xukunta oo madaxa oo masuuliyiina oo hogaano talada dalkuna ka go’do garan mayno ilaa hada”Sidaas ayuu yidhi Suldaan Xasan

Suldaan Xasan wali isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray.

“Waxaan ugu baaqaynaa xukumadda waa in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadoodii logu soo celiyaa salaadiinta iyo madax dhaqameedka hadaad sidaa ku haysanaysana aday ku taalaa ninkii haystow, maalintii dhagaysiga dacwada maragyadii meesha la keenay 15 marag ayay ahaayeen wanan dhagaysanay, maragi u horeyey waxa uu ahaa madaxa baadhista CID-da oo ah ninka kiiska salaadiinta kusoo oogayay,su’aal ba la waydiiyay waxa lagu yidhi masoo baadhay kiiskii,may masoo badhin ayuu yidhi waa layga furtay ayuu yidhi, hadana yaa kaa furtay ayaa la waydiiyay askari ayaa iga furtay ayuu yidhi oo soo baadhay,xagee buu joogaa yaa lagu yidhi, saldhiga koodbuur ayuu ka tirsan yahay ayaa ku jawaabay oo ma danbi baadhaa aya la waydiiyay may ayuu ku jawaabay, waxa la waydiiyay ma noo sheegi kartaa meesha hadayta siday u eegtaya ma arag mana tagin ayuu ku jawaabay ninkaa sidaa lehna waa ninkii waday kiiska salaadiinta”

“gudoomiyihii goobta komishanka ayaa isna la waydiiyay oo isna ay markhaatiyo u qornaayeen waxa uu yidhi saba-wanaag iyo hadayti waa kala laba meelood waxa uu yidhi dadka waxana kasoo guraynay cabdi-geedi,ceel helay iyo bidhaale ma isku mid baabaa la waydiiyay may ayuu ku jawaabay waxa la su’aalay yaa kasoo guryay rag baa kasoo guryaya ayuu yidhi ragiina dee lama garanayo ilaa hada, waxa lagu yidhi oo meeshu inay xayiran tahay maydaan ogayn waan ognahay ayuu yidhi inay meelahani kala goob yihiin ma laydiin sheegay haa buu yidhi markaa maragii meesha aka dhacay waa la arkayay waxaan xukumada mar labaad ugu baaqyaa in si dag dag ah xoriyadoodii loogu soo celiyo salaadiinta iyo cuqaasha anaguna nabadayn Ayaan u dirnaye”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi.

Si kasteba ha ahaatee salaadiinta iyo madax dhaqameedka xidh xidhan ayaa lagu soo eedeyey inay lug ku lahaayeen dhacdadii weerarka ahayd eek a dhacday tuulada hadaynta oo kamida gobolka awdal.