Somaliland: Suldaanka Guud Ee Beelaha Galbeedka Hargaysa Oo Sheegay In Aan La Garanahayn Cidda Taladda Dalku Ay Gacanta Ugu Jirto,Bulshadda-NA Farriin U Diray.

0
685

Suldaanka Guud Ee Beelaha Galbeedka Hargaysa Oo Sheegay In Aan La Garanahayn Cidda Taladda Dalku Ay Gacanta Ugu Jirto,Bulshadda-NA Farriin U Diray.

Madhax-dhaqmeed uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa maanta Hargeysa kaga dhawaaqay in xukuumadda Somaliland ay si shuruudla’aan ah xoriyadoodi ugu soo celiso Suldaan Mawliid Sabayse,Suldaan Ibraahim Sulub, wiilal dhalinyaro ah iyo  laba gabdhood kuwaasoo dhawrki bilood ee u dambeeyey laga soo xidh xidhay labada gobol ee kala ah Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Munaasabadda baaqan laga soo jeediyey oo lagu qabtay Crown Hotel ayaa waxa kale oo lagaga hadlay arimo dhawr ah oo beesha Subeer Awal ka tirsanayso xukuumadda madaxweyne Siiraanyo kuwaasoo ay ka midyihiin deegaano ku yaala xeebta waqooyiga Hargeysa iyo Ceel-garde .Waxa iyaguna munaasabaddaasi ka hadlay mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo aqoonyahano ka tirsan beeshaasi kuwaasoo xukuumadda ku eedeeyey inay ku gudo jirto dhaxwareejinta dekadda iyo madaarka Berbera isla markaana ay fidmo ka dhex waddo gobolka Saaxil iyo xeebta waqooyiga Hargeysa.