Somaliland: Shil Naxdin leh: 6 Qof oo Ku Geeriyooday Duleedka Burco iyo Wiil Yar oo 7 Bilood Jira oo ka Badbaaday »

0
633

Alle ha u Naxariistee Lix qof ayaa ku Geeriyooday halka ilmo yar oo 7 Bilood Jira iyo Nin kalena ay ku dhaawacmeen Shil baabuur oo Goor Gaaban oo Galabta ah ka dhacay Deegaanka Qoyta ee Waqooyiga Magaalaada Burco.
SHIL BAABUURSida uu Shabakada Qurbejoog u Xaqiijiyey Weriye Siciid Salebaan Nuur oo ku Sugan Magaalada Burco Wuxuu Shilkani ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba Baabuur oo Mid ka mid ahi ahaa Nooca Xamuulka qaada ee Waaraadka iyo Gaadhi Vits ah ama dukhaan Sida ay Bulshadu u taqaan.

Shilkan oo ka dhacay agagaaarka degmada qoyta oo 17 Km dhanka Waqooyi ka Xigta Magaaladda Burco, Dhaawaca iyo Maydadkiiba waxaa la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.
Shilalka Gaadiidka ayaa noqday aafo ku soo korodhay Bulshada Somaliland iyadoo Todobaadkii tegay isku dhac ka dhashay laba baabuur oo ka dhacay duleedka bari ee Magaalada Hargaysa ay ku naf waayeen Shan ruux .
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHUN RAAJICUUN