Somaliland: Saddex Wasiir Iyo Maareeyaha Dekedda Oo Madaxweyne Siilanyo Kaga Sii Horeeya Imaaraadka

0
641

Saddex wasiir oo kala ah wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi, arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde, oo uu weheliyo maareeyaha dekedda Berbera eng. Cali Xoor-xoor, ayaa khamiistii socdaal ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Weftigan ayaa waxa ay ka sii horumarayaan Madaxweyne Siilaanyo oo Isniinta toddobaadkan isna ka daba tagaya wasiiradan, waxaanay wasiiradani gogol xaadh u sii noqonayaan heshiis la filayo in Madaxweynuhu qalinka ku duugi doono oo dhex maraya shirkadda DP World( Dubai Ports World) kaas oo ku saabsan sidii ay shirkadaasi maalgashi ugu samayn lahayd  dekedda Berbera.

Lama hayo faahfaahin ku saabsan heshiiskaas, sida wakhtiga uu soconayo, qaabka saami qaybsiga iyo arrimo kale oo badan. Waxase la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo shacabka uga waramo heshiiskaas iyo su’aalaha la iska weydiinayo.