Somaliland: “Malaa Xamar Buu Doonayaa Qofka Diwaagalinta Diidaa ..” Gudoomiye Muuse Biix

0
826

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka hadley diwaangalinta cod bixiyaasha ee ka socota gobalka Maroodi-Jeex oo ah mid gaabis u socota .

Muddane Muuse Biixi waxaa uu ku sifeeyey qofka diwaanaglinta diida qof xamar ku sii socda oo Somaliland diid ah waxaana uu yidhi

“Laga Bilaabo maalintii dalka la soo galay xukuumadii la  dhisay ee laga bilaabo Cabdiraxmaan Tuur, tii ku  xigtay ee Cigaal , tii ku  xigtay ee riyaale  iyo tii ku xigtay ee Axmed siilanyo ee maanta joogta nin waliba wax buu qabtey ,  wax buu ku kordhiyey oo wataas aanu halkaas ku gaadhney markaa qofka leh maanta maxaan diwaangalin ku falayaa waa qof Somaliland ka soo hor jeeda malaa xamar buu doonayaa ayaa laga  yaaba qofka diwaangalina diidaya ” ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi