Somaliland: “Kufriga iyo in Illaahay laga doodaa waa Casharrada lagu dhigo Iskuullada Yurub…” Sheekh Maxamed C. Dirir

0
269

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in gaalnimadu ka mid tahay casharada lagu dhigo dugsiyada wadamada gaalada ama Yurub iyo in Ilaahay laga doodi karo, taasina waa masiibo qofka ku dhacda ta u weyn.

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR
Muxaadaraxa Sheekh Dirir kaga hadlayey halista tegitaanka wadamada gaalada iyo saamaynta ku u hilooba ayaa sheegay in dadka ku qaada tagaasida dadka sakhraansan halis tahay lacagta kirada ay ka qaataan, maadama aan ganacsi lala samayn karin qof caqligiisu dhiman yahee.

SHEEKH MAXAMED CUMAR DIRIR IYO TAHRIIBTA
Waxaanu Sheekha oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Wadamada gaalada sharaabka lagu cabo waa khamriga, hudheelkii aad gashay wuu yaala, dukaamaduu waaweyna wuu yaala, diyaaradii aad la socotay ayaa laga qeybinayaa, meel walba aad istaagto wuu ag yaala, ilaa kuwa tagaasida kaxeeya ayaa sheegay in marka dadku sakhraansan yihiin ay suuq badan ka helaan, waxaan leeyahay suga intay miyir qab noqonayaan ama iska daaya.”

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey foolxumooyinka dhaqanka gaalada ayaa sheegay in qaawanaantu ka mid tahay waxayaalaha lagu xaragoodo, weliba xilliyada kulaylka, ama dhakhtaradu ka mid tahay dawooyinka ay u qoraan, waxaanu yidhi;

“Qaawanaantu waa dawooyinka dhakhtaradu ku taliyo, oo fiitamiin D ayaa ku yaraaday ayuu odhanayaa, ee qoraxda isku dhig, qoraxda halka aynu la ildaran nahay ayaa suuq leh halkaa, qofkii wuu tacbaanayaa, waxa la odhanayaa qorax ayaad u baahan tahay, markaa hadaad u tagtid waxa lagu odhanayaa wa ainaad is-qaawisaa, si aad fiitamiin D u heshid, qaawanaan qofkii loo qoray oo la yidhi iyadaa kuu dawo ah, waa sheydaan dhakhtar iska soo dhigay, bal maxuu yeelayaa, ilaahayna quraanka wuu inooga digay halista sheydaanka, waxaanu yidhi, “yaanu idin belayn sheydaanku siduu waalidkiin uga soo saaray jannada, ugana siibay dharkoodii.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in wadamada gaaladu qorshe iyo damac weyn ka leeyahiin qaxootinimada ay ku aqbalayaan dadka muslimiinta ama kuwa qaarada Afrika waxaanu sheegay in wadaadadooda kaniisaduhu caddeeyeen hadafkooda, isagoo ka hadlaya waxuu yidhi,

“Dadkan qaxootiga, iyagoo is-xambaarsan inoo yimi aynu kaniisadaha ku xareysano, ilayn waynu ka raysanay dhibaatooyinkii hore nooga qabsan jiray helitaankoode aanu u tegi jirnay Afrika, ayuu sheegay nin wadaadada kaniisadaha oo u waramayey dad ka soo horjeestay aqbalaada qaxootiga, haka cabaninee aynu ku mahadnaqno.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in dhinac walba looga werwersan yahay damaca gaalada hadday noqoto caruurtii, qofkii xanuunsanayey, ilaa dadkii meydka ahaa, waxaanu yidhi,

“ Caruurtii hadaan lala socon dibedaha waa la xadayaa, oo la soo fara-xumaynaya, ama jidhkiisa la googoosayaa oo qof kale laga iibinayaa, qofkii bukay laguma aaminayo, inbadan ayaa dumar da’ yar laga tuuray makaankii xilligii dhalmada, qofka meydka shil ku dhinta, markiiba miiska ayaa la saarayaa oo dhamaan xubnaha jidhkiisa lagala baxayaa, markaa qofka tahriibaya in jidhkiisa loo furfuri doono (spare parts) dadka kale ha ku talogalo. Waa naadir qof halkaa ku dhintay oo meydiisa aan toltolnayn, waxay doonaan ha kuugu sheegaane.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in xabaalaha dadka ku dhinta qurbaha mushkilado ka haystaan oo lagu odhanayo imisa sannadood ayaad kiraysanaysaa xabaasha, waxaanu yidhi,

“Xabaasha qofka wakhti ayaa lagaa kireynaya (sannado) mudadda ka dib, lafahii waalidkaa in waxkale lagu qabsado ayaa laga yaaba. Adigaa yaqaan halkaad geynaysid. Markaa meesha qofku sidaa u werwersan yahay waa tegitaankeedu waa halis weyn in loo badheedho.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa sheegay in gaalnimadu ka mid tahay casharada lagu dhigo dugsiyada wadamada gaalada iyo in Ilaahay laga doodi karo, waxaanu yidhi,

“Kufriga (gaalnimadu) waa casharada lagu dhigo iskuulada iyo in Ilaahay lagu murmi karo, ama dood la geli karo, nin Kanada jaamacad ka dhigta waxuu ii sheegay in macalinka u dhiga maadada kufriga uu sannadkii lix bilood nin yahay, lixda kalena naag yahay, oo dawooyin naaso ka soo saara ayuu isku mudnaa, marka kalena waa nin, markaa macalinka noocaa ah ilmaha uu wax baro siduu noqonayaa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dadka badankooda qurbahu jooga ku doodaan inay ka soo faa’iidaysanayaan aqoonta iyo horumarka ay gaadheen, xumaantoodana iska ilaalinayaa, laakiin ay yar yihiin inta kartidaa yeelan karta, waxaanu yidhi,

“dadka noocaa ah marka qofku dhex galo, wuu sii yaraanayaa, ilaa uu ku dhex ambado, mana sii socon doonto faa’iidada dadka qaarkood ku qabaan biilasha looga soo diro, maadama marka dadka halkan innaga tegay dhintaan, kuwa ku dhasha kuma yaqaanaan, caantayna kuu soo diri maayaan hadaad ka sugayso. Waxa laga sheekeeyey aabe caruurtiisu markay wax weydiistaan odhan jiray ayeeyo ayaan u diray, oo caruurtiisii la coloobeen ayeydood ayaa markii la soo sheegay inay dhimatay ku farxeen, ilayn ismaba aqoone.

Sheekh Maxamed Dirir ayaa ku soo gebgebeeyey muxaadaradiisa uu kaga digayo halista tahriibka iyo dhibaatooyinka qofka u badheedha inuu u haajiro dhulka gaalada kala kulmayo naftiisa iyo diinta, in dadku ku mahadnaqaan nimcada islaamnimada ilaahay siiyey, waxaanu yidhi,

“Dadka ku marmarsooda in dhulalka qaarkood dagaalada ka jira dadka ku khasbaan inay qaxaan, halkan xabad muuqata ayaa ka jira, laakiin dhulka gaalada xabad qarsoon oo iimaanka iyo mustaqbalka ubadka dilaysa ayaa ka jira, sawirada dhir iyo daaro dhaadheer dad ayaa sammaystay adigu ma lihid, yaanay dhalinyarooy idin lu’goyn kuwa dibedaha idinka soo dira, dalkiina ayaad joogtaan, diintiinaad haystaan, dadkiini ayaad dhexjoogtaan, aqoontiinu halkan ayey ka shaqeynaysaa, halkaa kama shaqeynayso, waan arkay rag jaamaciyiin ah oo dirwal tagsi ah, hadii kale waad is-waayi markaad tagto, oo dareemi doontaa wax aanad hore u dareensanayn markaad dalkaaga joogtay. Bishii ramadaana way innagu soo dhowdahee, waa inaynu u diyaargarownaa ka faa’iidaysiga fursadaa, dalkeena waa innaynu camirnaa, nabadgelyadiisa iyo dhaqaalahiisa ka shaqeynaa, una diyaarinaa weelkii dadka dibedaha jooga ku soo noqon lahaayeen ee dugsiyadii aqoonta maadiga iyo kuwa diiniga lagu baran lahaa loo diyaariyo, masuuliyadaasina innaga ayey inna saran tahay, Ilaahayna wuu innagala xisaabtamayaa haddaynu dayacno, markaa diinteena, dalkeena iyo dadkeenaba aynu ku dedaalno, aynu aamino oo yeynaan saluugin. Qofka halkan ka carara waxuu saluugay dalkiisii, diintiisi iyo Ilaahay waxuu u qadaray, Ilaahay ha innaga nabadgeliyo. Dhammaad.

Comments

comments