Somaliland: Golaha Wakiiladda oo Cod aqlabiyad ah ku diiday Xeerka Qandaraasadka Qaranka

0
804

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Cod aqlabiyad ah ku diiday Xeerka Qandaraasadka Qaranka oo muddo horyaalay, fadhigaasi maanta oo uu shirgudoominayey Gudoomiye Kuxigeenka kowad Baashe  Maxamed Faarax ayaa cod galay ku diiday xeerkaasi waxana Diiday 33 xildhibaan Waxa Ogolaaday 3 xildhibaan, Waxa ka aamusay 4 xildhibaan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo markii Fadhigii goluhu soo xidhmay la hadlay ayaa faahfaahiyey Sababta ay u diideen isaga oo sheegay Hay’ada qandaraasadka uu soo magacaabi jiray Madaxweyuhu balse imika la hoos geeyey Wasaarada Maaliyadda Isla Markana wasaarada Maaliyadu soo magacawdo, waxanu tilmaamay in ay ceebtahay in Hay’adii dhamayd ee Qandaraasadka laga dhigo xafiis hoos taga wasaarada Maaliyada. Diidmada Golaha ayaa muujinaysa sida ay Xildhibaanada Golaha wakiiladu uga biyo diideen Xeerkaasi.