SEATTLE: Qurbo-jooga Somaliland Ee Maraykanka Oo Cuddudooda Ku Mideeyay Xisbiga WADDANI. +SAWIRRO &Muqaal.

0
718

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Seattle ee Maraykanka iyo taageereyaasha WADDANI, ayaa soo dhaweyntii ugu balaadhnayd oo aan hore loogu samayn Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda Somaliland habeen hore ku qaabiley Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisii oo labadii todobaad ee u dambeeyay socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka.

Boqolaal qof oo ka mid ah jaaliyadda iyo taageereyaasha xisbiga WADDANI ayaa burhaantooda ku soo bandhigay xaflad ay ku qaabileen weftiga Guddoomiye Cirro oo lagu qabtay magaaladda Seattle, waxaana Guddoomiyaha kala qeyb galay masuuliyiinta safarkan ku weheliya oo ay ka mid yihiin Murrashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Dr. Maxamed Xaaji Cabdi, Xildhibaan Ibraahim Rayte, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xoghayaha Arrimaha dibadda WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha magaaladda Seattle ee xisbiga WADDANI Mr. Cabdi Faarax Ciidle,waxaanu sheegay in magaaladdan ay degan yihiin taageereyaasha WADDANI ay soo badanayaan maalinba maalinta ka dambaysa iyagoo aaminsan inuu yahay xisbiga ka midho-dhalin kara himillada Somaliland hiigsanayso.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ee dalka Maraykanka Mr. Cabdi Khaaliq Axmed Sheekh oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in muddo dheer sugayeen weftiga Guddoomiyaha WADDANI inay dalka Maraykanka yimaadaan waxa uu Hoggaanka xisbiga u soo jeediyay marka uu talladda qabto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa si weyn uga mahad celiyay jaaliyadda iyo taageereyaasha WADDANI ee magaaladda Seattle, waxaanu uga xog waramay ujeedada socdaalka weftigiisa, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka odhanayaa kalmad mahadnaq ah oo aan u jeedinayo masuuliyiinta jaaliyadda, masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo dhammaan taageereyaashaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin. Waxaanu ahayn wefti balaadhan waxa aanu socdaalkan u nimi inaanu la kulano dawladda Maraykanka oo aanu kala xaajoonno arrimaha Somaliland.intii aanu halkan (Maraykanka) joognay waxa noo suurto gashay inaanu la kulanno dawladda Maraykanka waaxaheeda qeybo ka mid ah oo ay ka mid tahay wasaaradda arrimaha dibadda.”

“Waxa kale oo aanu la kulanay xildhibaanno ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka ee Senate-ka la yidhaahdo iyo aqalka wakiiladda ee Congress-ka la yidhaahdo. Dhammaantood madaxda aanu la kulanay waxaanu uga warranay taariikhda Somaliland, xaaladeeda , duruufaha ka jira, abaaraha, kaalmadda, iskaashiga iyo ictiraafka Somaliland-ba. Wada hadalladaas waxaanu is leenahay waxaanu ka gaadhnay horumar wanaagsan. Waxaanan filaynaa in halkaas laga sii ambo-qaado.”

“Waxaanu uga warantay dawladda Maraykanka dimuqraadiyadda Somaliland oo muddo soo jiray isla markaana dalkeenna aan ka qabanay illaa shan doorasho oo hore oo qaarna ay ku galay diiwaan-gelin qaarna bilaa diiwaan-gelin. Waxaanu u sheegnay inaynu qaran ahaan goosanay inay diiwaan-gelin kuwii hore ka casrisan inaynu samayno. Diiwaan-gelintan aynu doorashadda ku gelaynaa xataa dalalka Yurub lagama samaynin waa mid cusub waayo farihii baa khalad badan keentay. Waxaynu rajaynaynaa in qof kastaaba hal mar uun uu coddeeyo. Waxa la filayaa in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha laga faro-xasho marka Ramadaan ina dhaafto haddii ALLE yidhaado oo la sii ogaado goob kasta inta qof ee ka coddeynaysa. Waxaan filayaa in doorashooyinkan fooda innagu soo hayaa ay ka qurux badnaato kuwii hore.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in abaaruhu ay u baahan yihiin tallo qaran, maadaama oo ay noqdeen mushkilad sannad kasta dhacda. “Sannad kasta waxaynu sugnaa in roob badani innoo da’o,biyuhuna badda galaan lix bilood ka dibna dadka iyo xoolahaba ay dhibaato weyni soo gaadho.inshaalaahu barnaamij siyaasadeedka WADDANI way ku jirtaa in arrintaas wax laga qabto,”ayuu yidhi Hoggaamiyaha WADDANI.

Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahiyay in barnaamijka xisbiga WADDANI oo ka kooban shan tiir oo waaweyn, waxaanu tilmaamay in ay bulshada u soo jeediyeen inay tallooyin wixii lagu kabi karo ay ku darsan karaan qabyo-qoraalka barnaamijka xisbiga.

Dublamaasi Cabdiraxmaan Cirro waxa uu taageereyaasha iyo qurbo-joogii xafladaas ka qeyb galay uu u sheegay in tiirka koowaad ay culayska ku saarayaan sidii Jamhuuriyadda Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi caalami ah.

“Tiirka labaad waa in dib u eegis lagu sameeyo qorsheyaasheenna dhaqaalaha iyo nidaamkeenna siyaasiga ah-ba. Tiirka saddexaad waxa weeye sidoo kor loogu sii qaadi lahaa horumarka wadanka gaar ahaan dhaqaalaha si loo abuuro fursado shaqo abuur oo lagu hakiyo dhalinyarradeenna baddaha ku dhammaatay,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ku dooday inay taageerayaan in lala hadlo Soomaaliya “Waxaanu taageeraynaa xukuumadda in lala hadlo Soomaaliya, hase yeeshee Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dal oo walaalo ah oo kala madax banaan.laakiin maadama oo labada dal-ba ay doorasho ka dhacayso Soomaaliya wali may gaadhin doorasho hal qof iyo hal cod ah balse maadaama oo ay doorasho uun tahay waxaanu qabnaa in wada hadallada la hakiyo oo dawlado dadka matalaa marka ay yimaadaan halkaas laga sii wado.”

“Waxaanu aaminsan nahay in cid kasta oo reer Somaliland ah oo dudmo ama cadaalad darro kaga maqan lala hadlo oo la soo dhaweeyo khaatumo waa reer Somaliland waanu soo dhaweynaynaa in lala hadlo oo xukuumadda waanu ku taageereynaa. Waxaanu jecel nahay in walaalahayaga Sool iyo Sanaag inay ka qeyb qaataan diiwaan-gelinta si loo helo diiwaan-gelin buuxda waxaynu doonaa inay xabadda innaga daayaan oo waxay doonayaan waraaq ku helaan,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaanu intaas ku daray inuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u sheegay safarkiisa markii uu Maraykanka u soo ambobaxayay. “Madaxweyne Axmed Siilaanyo waan u sheegay inaan Maraykan tagaynay, xukuumadda in kasta oo aanu iska soo horjeedno haddana marka aanu dibadda nimaadno waanu matalaa qaranka oo dhan.”

Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyay jaaliyadaha Somaliland inay isku duubnaadaan oo u midoobaan danaha qaranka iyo sidii ay wax ula qabsan lahaayeen dalalka ay ku nool yihiin-ba. Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu xusay inay qorshaha ugu jirtay inay la kulmaan jaaliyadaha iyo taageereyaasha xisbiga ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee Maraykanka oo uu bayaamiyay inay kala kulmeen soo dhaweyn qayrul xad ah.

Waxa kale oo iyaguna madashan ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xildhibaan Ibraahim Rayte, Dr. Maxamed Xaaji Cabdi oo ka mid ah Murrashaxiinta madaxweyne ku-xigeenka WADDANI iyo xubno kala duwan oo ka mid ah laamaha xisbiga WADDANI ee dalka Maraykanka.

image29 image33 image32 image31 image30