Trump oo waddada loo baneeyey ahna musharaxa keliya ee Jamhuuriga – VIDEO

0
807

Musharaxa hoggaaminaaya tartanka is-reeb-reebka Musharixiinta Jamhuriga Donald Trump ayaa ku soo harey tartana keligiis kadib markii John Kasich uu isaguna shalay ku dhawaaqey in uu tartanka ka haray.

Barasaabka Gobolka Ohio John Kasich oo jid uu ku noqdo Musharaxa Jamhuurigu u furneyn ayaa isaga iyo Sen. Ted Cruz doonayeen in ay ka hor istaagaan Trump in uu helo ergooyinka loo baahan yahay taas oo dhici weydey kadib markii codbixiyaashu si weyn u dorteen Trump doorashadii u danbeysey ee gobolka Indiana.

Trump ayaa sheegay in bisha Nofeember uu Hillary Clinton la tartami doono kana guuleysan doono.

Lama oga qorshaha saddexaad ee siyaasiyiinta awoodda kuleh xisbiga Jamhuurigu ay qaadayaan mar haddii ay ku guuldaraysteen labadii qorshe ee hore ee A iyo B.

Jamhuuriyiinta sida weyn uga soo horjeeda Trump ayaa qaarkood sheegayaan haddii ay noqoto Hillary Clinton iyo Trump ay wanaagsan tahay in loo codeeyo Hillary.