Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo La Filayo In Lagu Badalo Xagla Toosiye

0
787

Madaxwaha soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Siiraanyo ayaa kulan gaara la qaatay  wasiirkii hore  Cadaalada ee Xukumadii Daahir Riyaale Kaahir  oo la yidhaahdo Axmed Xasan Cali (Casoowe-libaax)

Kulanka ay wada qaateen labadan masuul ayaa lagu gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha baahsan ee ka jira Gobolada bari,

Geesta kale sida warka sugan ee Hangoolnews ay helayso ay sheegayaa in marka ay dhamaato 18 MAY  Masuulkan loo magacaabi- doono Xubun ka mida Golaha Wasiirada Somaliland,

Iyadoo si Xogaha heese ay sheegayaan laga filayo in lagu badalo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliland,

Dr Saleebaan Ciise Axmed oo lagu eedaynayo in uu ragaadiyay Wasaaradii Caafimaadka kagan Mushquulay Howlo Ciidan Beeleeyo Isaga u adeega,

Dhinaca kale ayaa la sheegayaa in M/wayne Siiraanyo cabasha badani ugu timid Gobolka Buuhoodle,

Taasi oo Xagla-toosiye lagu dhaliilayo in uu hor istaagay horumarka Gobolka ka hana-qaaday