Somaliland: Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo Iclaamiyey Shir Deg deg ah oo Beeshiisu kaga arrinsanayso Xukunka qaar ka Mid Salaadiinta Beeshaas »

0
656

Tan iyo Markii Maxkamada Wareegta ee Gobolka Maroodijeex ay Xukuno iyo Ganaax Lacageed ku riday Xubno Madax dhaqameedyo ah oo ku Xidhan Xabsiga Mandheera kuwaas oo ku eedaysnaa inay ka danbeeyeen rabshado lagu sameeyay goob diiwangelineed oo ku Taala Waqooyiga Hargaysa oo Muran dhinaca Xuduuda ahi u dhexeeyo Gobolada Maroodijeex iyo Awdal ayaa Siyaabo kala duwan looga hadlay.
Maxkmada wareegta ayaa afar iyo toban qof ay ku jiraan laba suldaan iyo jiif caaqil ku riday xukunka ah sedex sano iyo ganaax lacageed iyo sidoo kale in la saaray khasaarihii goobta gaadhay waasida ay xukuumadu hadalka u dhigtaye,
Hadaba Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi oo wax laga weydiiyey xukunkan lagu riday Salaadiyiinta kala ah Suldaan Mawliid Cali (Sabayso), Suldaan Ibraahim Sulub , Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore Iyo Xubnihii kale ee la socday ayaa wuxu yidhi.
“Xukunkaa lagu riday saladiyiinta maaha mid Aanu Aqbalayno Waana Mid ka fog Cadaalada oo aan Sinaba loo Qaadan Karin. Waxaanan Iskugu Iman Doonaan Shir Deg Deg ah oo Arimaasi Iyo Masiirka Beesha Aanu kaga Tashan Doono” Suldaanka ayaa intaa Hadalkiisii kaga gaabsaday,
Si kastaba ha ahaatee Waxaa Xalay guud ahaan caasimada hargaysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo laga soo horjeedo xukunka ay maxkamada Wareegta ku fulisay madax dhaqameedka iyo dhalinyaro la socotay kaasi oo laga cabsi qabo in rabshado iyo mudaharaadyo lagu diidan yahay ay ka dhacaan xaafado kamida magaalada hargaysa
iyadoo dhanka kalena uu xukunkan iyo ficilada xukuumada kasoo fulayaa ay saamayn balaadhan ku yeesheen Isdiwaangalinta Qaadashada kaadhka codbixiyayaasha oo malmahanba ka socotay gobolka maroodi jeex balse ayka muuqato habacsanaan ah qadashada kaadhkan.