Somaliland: Kormeer Farriin Xambaarsan Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Ugu Kuur-galeen Lix Degmo Oo Hoos Yimaada Laas-geel

0
688

Wefti waxaa Hoggaaminaya Wasiir ku xigeenka Xanaannada Xoolaha Waxaanay Kormeereen Xaallada Deegaannada Xunbo-weyne, Jaleello, Boocley, Alaalla-cadka, Dheenta, Dhubato Iyo Dacar-budhuq

Wefti u hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo ka kooban xukumada iyo xisbi xaakimka KULMIYE oo ay ka mid yihiin Mareeyaha Arimaha Cawimada WFP Saciid Xasan Cabdilahi, Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex, Cuqaal, Odayaal iyo Xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE ayaa u Ambabaxay deegaannada hoos yimaada Degmadda Laasgeel si ay u so indho indheeyan habsami socodka howlaha diwaan galinta doorashoyinka eek a socda gobolka maroodi jeex. Waftiga oo socdaalkooda ka bilaabay tuulada dararwayne waxay la kulmeen madaxda tuulada, cuqaasha iyo odayaasha degaanka waxayna waftigu ku dardaaren dhamaan dadka degaan degaanka in si hufaan ku jirto u gutan wajibadka qaranka ka saran oo ay isdiwan galiyan isla mar ahaanta waftigu waxay u Kuur galen siday u socoto howsha ay gacanta ku hayaan komishanka qaranku hubiyna in ay jirto wax cilad ah oo u baahan in wax laga qabto waxa kale oo ay taageero baladhan ka gaysteen in isku socodka bulshada oo xanibnaa la gaadhsiiyo gawaadhi soo fududeeya iyo weliba in laga caawiyo adeega daruuriga ah madamo degaanada dooxyadu ku badan yihiin isla markaana ay daadad kala xidheen. Waftigu wuxuu si watay socdalkiisa wuxuuna cagta so mariyey Xunbo wayne, Jaleelo, Booclay, Alaalacadka, Dheenta, Dhubato iyo Dacar budhuq dhamaana waxay ku dardaaren dardar galinta howlaha isdiwaan galinta iyago dadka si adag ugu adkeeyey mihiimada ay leedahay isdiwaangalinta codbixinta dorashoyinka waxanay u qabteen shirar wax garadka iyo cuqasha deganada kaso jeeda si kor loogu qaado hawlaha isdiiwan gelinta. Waftigu inti u ku jiray kormeerkiisa wuxuu wax ka gays teen baahiyaha yaalay dhamaan tulooyinka hoos yimada degmada Laasgeel waxayna ugu deeqen gaadid dhan 16 baabur oo xoojiya so gurida dadka ka fog meelaha la dhigay sanduuqa diwaan galinta waxay kalo gacan ga gays teen wixi kale loga bahan yahay tulooyinka eek a qayb qaadanaya howlaha diwaan galinta. Dhamaan tulooyinka ay waftigu mareen waxa si wacan ugu socotay diwaan galinta iyado madaxda ku dhaqan tulooyinkasi ay madasha ka sheegen in tirade isdiwan galisay ay aad u sarayso waxa kaloo wax lagu farxo ah in bulshadu si aad u qiimo badan isu diiwan geliyeen