Somaliland: Falanqaynta Wasiirrada: Kuwa Xilalka U Qalma Iyo Kuwa Lagula Qaldamay! Falanqaynta Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami Qaybtii Sadexaad.

0
697

Falanqaynta Wasiirrada, Wasiirul-dawlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenna Xukuumadda KULMIYE: Kuwa Xilalka u Qalma iyo Kuwa Lagula Qaldamay!

Falanqaynta Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Waxa kaloo dadka dhaliilaa ku sheegaan af-miishaar kelidii noole ah oo aan haba yaraatee wax tagaare siyaasadeed ah ka haysan shacabka degaannada bariga Gobolka Sanaag ee uu ka soo jeedo, awoodna u lahayn xataa inuu booqdo dhulkaas sababo la xidhiidha cadho aad u weyn oo dadkaasi ka qaadeen ballanqaadyo fara badan oo uu fulintooda ku guuldarraystay, halka taageerayaashiisuna u yaqaanaan siyaasi ruug-caddaa ah oo kaalin mug leh ka soo qaatay dhismaha dawladnimada iyo hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Marka laga eego dhinaca waxqabadka muddo lix sannadood oo wasiir ka ahaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ma jiraan waxyaabo taariikhda horumarka u galay oo lagu xasuusan doono, marka laga reebo dhismaha cusub ee wasaaraddiisa oo uu kala siman yahay xarumaha wasaaradaha iyo hay’adda dawladda ee caasimadda Hargeysa oo intooda badan yeesheen dhismeyaal cusub oo dabaqyo ah intii xukuumadda KULMIYE dalka hoggaaminaysay.

Waxa lagu xantaa caroog Madaxtooyadu ku eedaanto iyo nin aan weligii taladiisa lagu guurin oo tilmaan u noqday aloosidda murannada siyaasiga ah oo marar badan halis geliyey xasilloonida dalka.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xasuusto muddada dheer ee uu hayey xilka Wasiirka Gaashaandhigga waxa ka mid ah, inuu safka hore kaga jiray ku dhowaad boqol guddi oo Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray arrimo kala duwan oo uu badankooda guddoomiye u ahaa Cadami, kuwaas oo intooda badan ku dhammaaday natiijo la’aan.

Waxa lagu tilmaamaa xubnaha xilka lagula qaldamay, balse ku kasbaday kalsoonida badan ee Madaxtooyadu ku qabto arrimo la xidhiidha aftahannimo iyo odaynimo, gaar ahaan ka qoslinta Madaxweynaha oo uu caan ku yahay. DhamaadLa soco wasiirka xiga….