Doon Qaadaysa In Kabada 600 Oo Dhalinyaro Ah Oo U Badan Somaliland Oo La Filayo Inay Caawa Ka Shiraaqato Dalka Masar

0
688

Wararka naga soo gaadhaya dalka masar soona gaadhaya shabakada wararka warganenews ayaa sheegaya in doon qaadaysa in kabadan 600 oo dhalinyaro ah oo u badan dhalinyaro reer Somaliland la filayo inay caawa ka shiraaqato dalka masar iyada oo usii jeeda dalka talyaaniga.

Waxaana dhalinyaradan lagu ururiyay caasimada labaad ee dalka masar ee Al-iskandariya,dhalinyarada doonta raacaysa ee reer Somaliland ayaa naloo sheegay inay u badan yihiin magaalooyinka Burco,Hargeysa iyo Berbera wallow ay ku jiraan gobolada kale Somaliland.

Mid kamida dhalinyarada doonta caawa raacaysa oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa noo sheegay in  loo qorsheeyey inay caawan baxaan, sidoo kalena waxa uu noo sheegay inay dhalinyarada caawa baxaysaa ay u badan yihiin dhalinyaro reer Somaliland ah gaar ahaana dhalinyaro kasoo kala jeeda gobolada Somaliland, sidoo kalena waxa uu noo sheegay in loo qorsheeyey inay caawa baxaan 11 habeenimo ee saacada geeska Africa.

Doontan la filay inay caawa baxdo ayaaa  nooqonaysa doontii labad ee ka baxda dalka masar tan iyo intii ka danbaysay munasiibadii ay ku madheen ubaxii reer Somaliland ee ahayd doontii ku qarqoontay badda u dhaxaysa dalalka masar iyo talyaaniga.

Si kasteba ha ahaatee wali ma jirto talaabo cad oo ku waajahan arimaha tahriibta oo ay qaadeen dawladaha somalidu ee ay dhalinyaradoodii ku halaagmeen.

Allow ku Badbaadi safarkaa dheer ee ay galayaan.