Somaliland: Wasiirul Dawlaha Waxbarashadda Oo Kulamo La Yeeshay Wasiirrada Waxbarashadda Iyo Dhaqanka Imaaraadka Ee Carabta

0
657

Wasaaradda Waxbarashadda Oo Ku Guulaysatay   Inay Cilaaqaad Iskaashi La Yeelato Wasaaradda Tacliinta Imaaraadka Carabta

Wasiirul dawlaha wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa socdaal shaqo oo uu ku tagay dalka imaaraadka Carabta waxa uu kulan la yeeshay Wasiirka Waxbarashadda ee Imaaraadka carabta Ibraahim Al-camadi oo ay ka wada hadleen sidii iskaashi qoto-dheer iyo wada shaqeyn dhinaca tacliinta ah u wada yeelan lahaayeen labada wasaaradood.

Wasiirul dawlaha waxbarashadda Somaliland Iyo Wasiirka tacliinta ee Imaaradku waxay kulankoodan si qoto dheer ugu faaqideen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi iskaashi iyo cilaaqaad wax wada qabsi oo joogto ah.

“Booqashadan aanu ku nimid imaaraadku waxay qeyb ka tahay qorshe aanu doonayno inaanu ku tayayno wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland. masuuliyiinta imaaraadku runtii way na soo dhaweeyeen waxaanan isku afgaranay qoddobadii aanu ka wada hadalay oo dhan,”ayuu yidhi Wasiirul dawluhu.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxa uu warbixin dheer ka siiyay Wasiir Ibraahim Al-camadi, marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waxbarashadda Somaliland iyo xilligan halka ay taagan tahay oo ay ka hirgaleen waxbarashadda dugsiyadda hoose/dhexe, kuwa sare iyo jaamacado tiro badan oo ay ka aflaxeen kumanaan arday sannadihii la soo dhaafay.

Wasiirul dawluhu waxa  intii kulankaasi socday uu Wasiirka waxbarashadda Imaaraadka uga mahad celiyay sida diiran iyo walaaltinimada leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalkooda iyo wasaaradda labadaba. Sidoo kale waxa uu gaadh siiyay salaan sharafeed uu uga siday  Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane.

Wasiirka waxbarashadda Imaaraadka Carabta Ibraahim Al-camadi waxa uu isna ammaanay  dedaalka dawladda Somaliland ay ku hirgalisay waxbarashadda dalka iyadoo aan haysan dhaqaale sidaas u badan.

Wasiir Ibraahim Al-camadi, waxa uu  sheegay inuu Guddi gaar ah u saarayo sidii ay iskugu soo dubo ridi lahaayeen iskaashiga ay wasaaradiisu la yeelanayso Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland  isla markaana ay soo dersi doonaan meelaha ugu muhiimsan ee ay innaga caawin doonaan.

Sidoo kalena, Wasiirul dawlaha waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland waxa uu  dalka Imaaraadka kulan noocan oo kale ah kula  yeeshay  Wasiirka dhaqanka Imaaraadka Nahyaan Binu Mubaarik Al-Nahyaan, waxaanu isna kala hadlay sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dawladood, waxaanu tafaasiil ka siiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo halka ay xilligan taagan tahay.

Wasiirul dawlaha waxbarashadda jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidoo kale kulan la yeeshay masuuliyiinta jaamacadda AL-qaasimiya oo ku taalla imaaraada Shaariqa, waxaanu kala hadlay sidii ay xidhiidh ula yeelan lahaayeen jaamacadaha Somaliland.

Wasiirul dawlaha waxbarashadda Maxamed Xaaji Aadan oo todobaadkan  ka soo laabtay dalka Isku taga Imaaraadka carabta waxay booqashadiisu qaadatay muddo sagaal maalmood ah.

Socdaalka shaqo ee Wasiirul dawlaha waxbarahadda Maxamed Xaaji Aadan ku tagay Imaaraadku waxa uu ka dhashay xidhiidho uu soo sameeyay Agaasimaha guud ee tacliinta sare Dr.  Yuusuf Axmed Cali (Ardo). Waxa kale oo wefti ka socday Wasaaraddu ay horaantii sannadkan booqashooyin noocan oo kale ah ku tageen dalalka Jabuuti iyo Gadar.