Somaliland: Hay’adda IOM Oo Somaliland Ka Diyaarisay Muuqaalo Been Abuur Ah Oo Wax Loogu Dhimayo Sumcadda Dalka

0
756

Hay’adda qarramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee la yidhaahdo IOM, ayaa Somaliland ka baahisay muuqaallo iyo warbixin been abuur ah oo ay ku dhaawacayso sumcadda Jamhuuriyadda  Somaliland,waxay ku baahisay  sawiro lagu sheegay in magaalo xeebeeda Berbera si sharci darro ah looga tahriibiyo dadka taasi oo ah mid waxba kama jiraan ah. Waxaanay sawiradan ku soo bandhigtay carwo lagu qabtay Magaaladda Turin ee dalka Talyaaniga.

Muuqaaladan oo la sheegay inay soo diyaarisay Sucaad Cumar, oo ka shaqeysa barnaamij la yidhaahdo (Midas) oo hay’ada IOM fuliso, ayaa loogu magac-daray (Rafaat) lagu sheegayo in laga soo qaaday xeryaha qaxootiga ee Somaliland.

Carwo lagu soo bandhigay muuqaaladan oo daawashadoodu socon doonto illaa 20-ka Bishan May   magaalada Turin ayaa lagu sheegay inay ka turjumayaan dhibaatooyinka dadku mutaan  marka ay tahriibayaan.

“Sawiradan carwadu waxay muujinayaan dhibaatooyinka tahriibayaashu maraan, iyo baahida loo qabo in Yurub u diyaar garowdo soo dhoweyntooda, una dhisto biriijyo, laakiin, aanay iskaga xidhin gidaaro,” ayaa lagu sheegay furitaankii carwada muuqaalada.

Sawiradan oo gebi ahaanba muuqaal iyo fikir khaldan oo been abuur ah  ka bixinaya Somaliland ayey ku jiraan qaar laga qaaday dad ciida badda safaf u fadhiya oo  laga dhigay sidii kuwo  doonyo laga saarayo   magaalada Berbera,arrintaasi oo ah mid xaqiiqda ka fog oo lagu xajiimaynayo  Somaliland.

Warbixintan sumcad xumada ku ah dalka ayaa looga fadhiyaa hay’ada IOM iyo hay’adaha shaqada ku leh ee dawliga ah  inay jawaabo waafiya ka bixiyaan sababaha keenay iyo in la qaado tallaabooyin lagu saxayo dhacdan qadafka ku ah Somaliland ee Hay’adda IOM soo abaabushay.

Masuuliyinta Hay’addan xafiiskooda Hargeysa oo aanu xalay isku deynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurto-gelin inaanu helno.