Somaliland: Cali Khaliif oo Dhaqdhaqaaq Ciidan ka Bilaabay Degmada Widh-widh

0
692

Cali Khaliif Galaydh oo ah Horjooga Khaatumo ayaa Shalay soo gaadhay Magaalada Bali-cad ee Degmada Widh-widh ee Gobolka Buhoodle, ka dib markii Magaalada Buhoodle ay ka soo saaren  Maleeshiyo u dhalatay deegankaasi.

Wararka aanu ka helayno deegankaasi ayaa sheegaya in Cali Khaliif halkaasi uu ka bilaabay in uu ka qorto Ciidan, waxaanu kulamo kala duwan la yeeshay Cuqaasha Deeganka Widh-widh iyo Sarmaan isaga oo u sheegay in Jilib walba uu ka rabo ciidan isla markana uu siindoono Mushahar.

Si cad looma  oga Ciidamada uu qoranayo  Cali khaliif in uu doonayo in uu kula Dagaalamo Ciidamada Somaliland iyo in uu Kula dagaalamidoono Ciidamada Buhoodle ka soo saray.

Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal dhaqdhaqayada ka socda Buhoodle, balse Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku sugan Deeganadaasi.