Somalia: “Ninkaasi Wuu Shaqo Tegay”.. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadley Gudoomiyaha Cusub Ee Loo Magaacabey Maxkamada Sare Ee Somaliya .

0
697

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng  Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka hadley gudoomiyaha cusub ee shalay loo magacaabey maxkamada Sare ee dalka Somaliya oo horeu ahaan jiray garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland .

Gudoomiye Faysal Cali waraabe waxaa uu sheegay in ninkaasi uu shaqo tagay lana mid yahay kuwa rer Somaliland ee dalkaasi ugu shaqo taga sida dalalka  kale loogu shaqao tago balse waxaa uu ka digey in aan la buun buunin oo aan laga dhigin wax sidaasi u sii weyn ah  waxaana uu yidhi

” Ninkani kii ugu horeeyey ee taga ma aha wuu  shaqo doontey waad ogtihiin oo kuwiii ururada sameystay ayaa tagey markaas horta inaga ha inagaga dhigina in uu wax weyn yahay waxaana ay arintaasi ku tusineysaa uun in dadkeena wax mabda lehi uu ku yar yahay oo aanay dan guud iyo mid qaran toona eegen ee uu  eegaayo uun halkaad maanta ka daaqi kartaa oo aad mushahar ka heli kartaa .

lakiin waxaan idin odhan lahaa waxba  ha inagu buun buunina oo ha ka dhigina in uu nin bahal ahi inaga tagay oo somaliland jeebka ku sita  markaas kii horeba  ee uu badelay inaga ayuu ahaa Somaliland dhibaato umuu  geysan  ” ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe