Somaliland: “Sida Uu Faysal Hadda Keligii Ugu Tagri Falayo Xarunta Xisbiga Waxay Keeni Kartaa Xasaasiyad Dheeraad Ah Oo Sababi Karta In Albaabada Layskugu Laabo Xarunta..”Muj.Cali Gurey.

0
708

Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga UCID mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay khilaafka ragaadiyay xisbiga UCID, waxaana uu ka dhawaajiyay inuu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku tagri falayo xisbiga, isaga oo sheegay inay arintanina sababi karto ina amaan daro awgeed albaabada layskugu laabo xarunta xisbiga UCID.

Waxaana qoraal yar oo mujaahid Cali Guray barta uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku kulanto  soo dhigay ay u dhignayd sida tan..

“Ragii hore ayaa odhan jiray waxanay dulucdeedu ahayd GAR EEXO LAMA NAQO iyaga oo iimaansanaa in lagu gubto oy ilaa ubad kaaga ubadkiisa kula socon karto oy cawaaqib xumo dhaxalsiin karto. In kasta oonay cilmi diimeed oo badan lahayn hadana waxay ahaayeen dad iimaan leh oo dee ilaahay baaba ina faray “HADAA XUKUMAYSAAN CADAALAD XUKUMA”

Waxan uga socdaa garta uu Faysal naqsanayaa hadii ay tan tahay ama ha ku gar helo ama ha ku gar waayo eh ha u gudbiyo Gudida Diiwaangelinta oo ah halka anaguna aanu gartayda u dhiibnay. Go’aanka Gudidu dhinaca maaraynta waa Kama dambayn laakiin xagga sharciga labada dhinac kii go’aanka gudida ku qanci waayaaba xaq wuxu u leeyahay in rafcaan uga qaato Maxkamadda Sare oo iyadu go’aankeedu noqonayo kama dambays.

Markaa anigu ma qabo muhiimbna uma arko in marba dhinac shir saxaafadeed warbaahinta la soo fadhiisto. Inta ka horaysa Kalfadhiga Golaha Dhexena waa in go’aanka kama dambaysta ah ee Maxkamadda Sare soo baxaa si Kalfadhiga Golaha Dhexe ugu qabsoomi karo iyada oo arimahii lagu muransanaa go’aanka maxkamadda sare la waafajiyay.

Sida uu Faysal hadda keligii ugu tagri falayo Xarunta Xisbiguna waxay keeni kartaa xasaasiyad dheeraad ah iyo in gudihiisa la isku dhex qabsado ilaa ay gaadhi karto in xaalad nebadgelyo awgeed gebi ahaanba Xafiiska Xarunta loo xidho inta go’aan xal ah la helayo. In kasta oo anigu aan gebi ahaanba joojiyay in aan hawlmaalmeed kayga ka wato Xafiiska Xarunta taas oo aan xeerinayo in khilaafku aanu sii tarmin una dulqaato inta sharcigu na kala saarayo Gudoomiyaha, ha u qaato isagu waxa uu doono eh, Balse way jiraan dad labada suul ku taagan oo leh ma aqbali karno gardarada qaawan ee Gudoomiyuhu ku hayo masuuliyiinta xisbiga ee uu maalin walba go’aan qalad ah oo aanu xaq u lahayn ka soo saarayo iyaga oo wadadii saxa ahayd ku taagan.

Kuwaa laftooda waxan kula talinayaa ilaa aynu sharciga la gudhinayno xaalkeenu ha ahaado kaadi badane waa loo gogol badiyaa. Lakiin isaguna waa in uu ogaadaa in dulqaadku xad leeyahay UCIDna uu yahay xisbi aanu naga lahayn anaguna aanaan ka lahayn ee la wada leeyahay sharciga gudihiisana ku garnaqsado garina horaa loo yidhi laba nin kama wada qosliso.

Dad badan ayaa aaminsan in labadayada dhinac aan si cadaalad ah na loogu garsoori doonin ee Faysal uu isku hubo hiilka xukuumadda, gaar ahaan dhinaca Madaxtooyada oo farogelin ku samayn doonta haya’daha ku lug leh ka garnaqista khilaafka UCID taasina ay saamayn toos ah ku yeelan doonto go’aankooda Kama dambaysta ah, laakiin ha la gaadho eh kolay anigu ka dayrin maayo.