Somaliland: Reer Cadaadley Oo Isbedalka Ay u Ooman Yihiin Ku Muujiyay Soo Dhaweyn Mug Leh Oo Ay Ku Qaabileen Weftigii WADDANI

0
783

Weftigii –sama-wade ee uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka xisbiga WADDANI ahna kusimaha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed,ayaa maanta gaadhay degmada Laas-geel iyo degmada kale ee facaweyn ee Cadaadley.iyagoo weftigu kala kulmay markii ay gaadheen ay soo dhaweyn baxadle oo ballaadhan.

Weftiga Sama-wade ayaa saaka markii ay ka ambobaxeen magaalada Hargeysa ee ay gaadheen Tuuloolada kaantroolka bariga magaalada Hargeysa waxay kala kulmeen soo dhaweyn heersaraysa, iyadoo bulshada ku dhaqan Tuuladda Halayi ay ku qaabileen weftiga caleemo qoyan iyo calanka muuqa dheer ee Xisbiga WADDANI Iyo weliba ciyaar dhaqameed.

Sidoo kalena Weftiga Sama-wade ayaa soo dhaweyno aan kala go’lahayn kala kulmay magaalooyinka,Aw-barkhadle, Diin-qal,Dheenta, Dhubato iyo magaalo madax-degmada Laas-geel ee dacar-budhuq oo ay iyada kala kulmeen soo dhaweyn aad u meeqaam-saraysa.

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayo ayaa kormeeray goobaha ay diiwaangelintu ka socoto ee deegaanada Aw-barkhadle, Dheenta, Dhubato iyo magaalo madax-degmad Laas-geel ee Dacar-budhuq,iyagoo weftiga Sama-wade warbixino kala duwan ka dhegeysatay masuuliyiinta goobaha ay diiwaangelintu ka socotay,isla markaana waxay weftigu ugu baaqeen shacabka ku dhan deegaanadaasi in ay si muglo isku diiwaangeliyanaa.

Dhanka kalena Weftiga Sama-wade ee uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, ayaa ka abobaxay degmada Laas-geel iyagoo u jihaysatay dhanka Degmad Faca-weyn ee Cadaadley,halkaasi oo ay kalal kulmeen weftigu markii ay gaadhee Cadaadlye soo dhaweyn baaxadle,isla markaana ay reer Cadaadley weftiga ku maamuuseen Hadhimo sharafeed aad u Heersaraysa,waxaana xusid mudan in weftiga Sama-wade ay uga mahadceliyaan soo dhaweynta ay u ku qaabileen reer Caadaadley,iyagoo sidoo kalena ku booriyey in ay is diiwaangeliyaan oo ay jaaniska ka faa’iidaystaan.

Ugu damabayntii Weftigii Sama-wade ayaa galabata kala soo laabata socdaalkii ay ku tageen degmooyinka Laas-geel iyo Cadaadley iyo deeganada hoosyimadaa,iyagoo ku soo laabtay magalaada Hargeysa.

axmed-Muumin-Seed waddani waddani3