Somaliland: Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Waraysi Gaar Ah Kaga Hadlay Wejiga Labaad Ee Abaaraha, Muunaynta 25 Guuradda Iyo Qoddobo Kale

0
658

Madaxweyne ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa ka hadlay ahmiyadda Diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ay  u leedahay Somaliland iyo hadafka lagu gaadhayo ee ay suuro-gelinayso oo uu sheegay in ay tahay dariiq lagu gaadhayo doorasho xor iyo xalaal ah oo qof iyo hal cod ah.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu  bulshada gobolka Maroodi-jeex u soo jeediyay in ay si wanaagsan uga qeyb qaataan oo ay is diiwaan geliyaan si ay u dooran karaan cidda ay masiirka dalkooda ku aaminayaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay khadka Telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN. Waxa kale oo uu kaga hadlay waraysigaasi gurmadka abaaraha ee xilligan laga wado gobollada bari gaar ahaan Sool, Togdheer iyo Sanaag. Waxa kale oo uu soo qaaday beeraha loo qodayo dadkii abaaruhu tacabkoodii beeraha dhaawaceen ee ku dhaqan gobollada galbeedka.

Ugu horrayn Madaxweyne ku-xigeenka oo ka jawaabayay Su’aal aanu ka waydiinay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee ka socota  gobolka Maroodijeex,waxaanu yidhi  “Horta ALLE ayaan ugu mahad naqaynaa raxmaadkiisa uu innoogu deeqay iyo abaartii adkayd  ee ina haysay oo  uu innaga soo jabiyay,dadweynaha reer Maroodjeexna waxaan leeyahay waxaad ka nasiib badan tihiin saddexdii gobol ee ay hore diiwaan gelinta codbixiyeyaashu uga soo qabsoontay oo iyagoo abaar kulul ku jira ay diiwaan gelintu ka qabsoontay markaa waxaan idinku dar-daarayaa in aad diiwaan gelinta ka qeyb qaadataan oo aad is diiwaan gelisaan si aynu u gaadhno halka aynu u soconno oo ah doorashooyinka soo socda oo  innoo qabsooma innagoo is diiwaan gelinay.”

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL  oo aanu waydiinay ujeedada laga leeyahay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha kol haddii dalka hore looga soo qabtay doorashooyin bilaa diiwaan gelin ah,ayaa ku jawaabay. “Diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha ujeedada ugu weyn ee aynu ka leenahay waxay tahay kow in aynu gaadhno oo ay dalka ka qabsoonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta oo ah   hal qof iyo hal cod ah oo ay meesha ka baxdo wax ku noq noqosho ah taasoo ah ta  uu qofku xaqa u leeahay ee ah in uu waxna dooran karo lana dooran karo isla markaana uu hal mar codkiisa uu bixin karo oo aanu mar labaad codayn karayn. Midda labaad ee aynu ka leenahay waa in Somaliland dimuquraadiyadda ay ku dhisan tahay ay sii wado oo ay aasaas u tahay in wax la doorto oo ummaddu cidda ay doorataa ay talladeeda hayso isla markaana xilli doorasho oo kasta ay doorashooyin xor iyo xalaal  ahi in ay dalka ka qabsoomaan.

Waxa kale oo ay farriin cad u tahay beesha caalamka oo aynu tusayno in aynu nahay dal madaxbannaan oo dimuquraadi ah isla markaana hannaanka asxaabtu ka hano qaaday taasoo wax badan ka taraysa halganka aynu ugu jirto aqoonsi raadinta qaranka Somaliland.”

Md. Cabdiraxmaan Saylici oo aanu waydiinay in goobaha diiwaan galinta ee Caasimadda Hargeysa oo laga dareemayo in dadku ku yar yihiin in la odhan karo dhanka wacyigalinta guddiga doorashooyinku ay sameeyeen ayaa yarayd,waxaanu yidhi  “Horta saddexdii Maalmood ee ay ka socotay gobolka Maroodijeex waxaa la odhan karaa looma soo wada bixin laakiin waxaan leeyahay reer Maroodijeex u soo baxa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha,wacyigelinta guddiga doorashooyinka oo kaliyana la iskuma koobi karo oo waxaa loo baahan yahay in dadweynuhu ay is wacyi geliyaan oo ay dadweynuhu is abaabulaan wacyigelinta guddiga doorashiiyinkana gobollada kale ayay kala sinnaayeen oo wax laga dhimay Maroodijeex ma jirto laakiin waxaa loo baahan yahay in ay dadku is abaabulaan oo golayaasha deegaanku iyo madaxda degmooyinku dadka abaabulaan oo ay wacyi geliyaan oo waxgaradka bulshadu ay ka qeyb qaataan wacyigalinta diiwaangalinta Codbxiyeyaasha si ay dadku isu diiwaan geliyaan oo ay u helaan xaqa ay u leeyihiin in ay waxna doortaan lana doorto.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka jawaabayay  halka ay marayso taakulaynta abaaraha ee ay dalka ka wadaan guddida uu guddoomiyaha u yahay iyo wajiga ay u bedelayaan raashin qeybintii ay hore u wadeen, waxaanu kaga hal celiyay “Imika guddigii abaaruhu waxay badan koodii ku maqan yihiin gobollada bari ee dalka oo ay ka wadaan raashi qeybin iyadoo ay wali abaartu ka sii jirto qeybo ka mid ah gobollada bariga ee Togdheer Sool iyo Sanaag in kasta oo dhulka intiisa badan uu roobku helay haddana wali jileec ayaa jira oo waliba u badan gobollada Bari oo markii hore ka ladnaa abaarta.

Markaa saddexdaa gobol ayay imika guddida intoodii badnayd ku maqan tahay oo ay raashin qaybin ka wadaan, gobolka Awdal-na waxaanu ka bilawnay in dadkii beeralayda ahaa beeraha loo qodo intaan wakhtigu ka dhicin ee curashada roobka ugu horreeya lagu gudo jiro oo ah wakhtigii beeraha la shiniyaynayay markaa imika beeralayda ayaa beeraha loo qodayaa marka wajigaa laga soo jeestana waxaa loo gudbayaa in xoolo dhaqatadii ku  caydhoobay abaaraha in  la xooleeyo, taasoo ka badan awood ahaan haynteenna waxaan caawimooyin dadka xoolo dhaqatada ah lagu xooleeyo in ay gacan naga siiyaan oo ay naga taakuleeyaan aanu waydiisanay Hay’ado badan oo aanu ka war sugaynaa markaa bil iyo lababa way qaadanaysaa oo way sugi karaan xoolo dhaqatadu laakiin imika cidda wakhtigu ka dhacayo ee  haduu roobku dhaafo uu tacan qasaarka ku noqonayaa waa beerolayda markaa qodista beeraha ayaanu horraysiinay oo aanu imika wadnaa.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo aanu waydiinay 18,ka May ee sannadkan wuxuu kaga duwan yahay debbaal degga qaran kuwii hore,waxaanu ku jawaabay  “Waxaynu caalamka tusaynaa in rubuc qarni aynu u taagnayn dal xor ah oo madaxbannaan wax kastana iyagu qabsaday oo hirgaliyay dhammaan waxyaabaha aasaaska u ah qaranimo iyo dawladnimo markaa waxaanu caalamka u soo  bandhigaynaa Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay mudadaa ay jirtay iyo sida ay uga go’an tahay in ay ka midho dhaliso himiladeeda qaran ee ah in ay aqoonsi buuxa caalamka ka hesho,Bulshada reer Somaliland ee dalalka dibada ku nool iyo wakiilada Somaliland dibada u jooga iyo Xukuumaduba waxay ka wada hawl gelayaan oo ay dalalka caalamka gaadhsiinayaan qadiyadda Madaxbannaanida rubuc qarniga jirtay ee Somaliland.”

“Waxay  Xukuumaddu awood dheeraad ah saaraysaa in farriinta aqoonsi raadinta Somaliland ay dal kasta gaadho oo ay Somaliland garawshiiyo buuxa caalamka ka hesho, xil weyn ayaanan iska saaraynaa in aanu himiladaa qaran ka midho dhalino oo caalamku aqoonsado Somaliland,bulshada reer Somaliland-na waxaan kula dar-daarmayaa isku duubni wada jir iyo midnimo in ay kaga qeyb qaataan debbaal degga 25 jirsaday ee ah maalinta madaxbannaanida Somaliland.

Markaynu isku duubni iyo wada jir wax ku wada raadinno caalamkana farriin sugan ayaynu gaadhsiin karnaa cid kasta oo cadaw innagu ahna waynu ka guulaysan karnaa.Somaliland-na kama daalayso in ay himiladeeda qaran ka midho dhaliso waanan u wada istaagaynaa raadinteeda. Guul iyo gobanimo ayaan leeyahay guud ahaan bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba.” ayuu ku soo geba gabeeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo u warramayay DAWAN MEDIA GROUP.