Somaliland: Madaxweynaha Oo Qaabiley Wefti Chejnian Ah Oo Dalka Keenay Raashin Mucaawimo Ah

0
996

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fedaraalka Ruushka Mudane, Ziyad Sabsabi, oo u dhashay dawlad Chejnia oo ka tirsan dalweynaha Ruushka kuwaasi oo deeq raashin ah oo 240 Tan ah keenay Somaliland si loogu qeybiyo bulshadda abaaruhu tabaaleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka.

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Sheekh  Cilmi Faahiye (Shamax) oo soo saaray war-murtiyeed uu kaga hadlay qoddobadii kulankan lagu falanqeeyay. Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed  (Siilaanyo), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley caawa Mudane, Ziyad Sabsabi oo xubin ka ah aqalka sare ee xidhiidhka Ruush-ka, isla markaana ah ku xigeenka guddoomiyaha guddida cilaaqaadka dibeda ee aqalka sare ee federaalka Ruush-ka, oo dalka keenay deeq raashina oo uu kaga wakiil yahay jimciyada Axmed Qadiroof ee u qaabilsan dalka Jejniya (Chejnia) caawimooyinka dibeda.

Jimciyadda mucaawimooyinka dalka Chejnia  oo ka mida federaalka Ruush-ka ayaa waxa loogu magac daray  Axmed Qadiroof oo ah madaxweynihii hore ee Chejnia , oo geeriyooday, haatana ay guddoomiye ka tahay jimciyadaasi Marwadiisi Eymaani Qadiroof, iyadoo dalkaasina uu hogaamiyo Ramadaan Qadiroof oo uu dhalay madaxweynaha hore, ayaa waxa Mudanahani dalka Somaliland soo gaadhsiyey mucaawimo raashina oo la xaadleh oo ay kaga qeyb-galayaan gurmadii abaaraha Somaliland, jawaabna u ah baaqii abaaraha ee madaxweynuhu u gudbiyey beesha caalamka.

Madaxweynaha oo ugu horayn halka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Xildhibaankan ka tirsan aqalka odayaasha Ruushka, waxaanu ka mahad-celiyey inay ka soo qeyb galeen iyagoo ah dalka Chejnia  gurmadka abaaraha ee Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi Madaxweynuhu “Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin mucaawimooyinka qiimaha leh ee aad kaga soo qeyb-gasheen abaaraha dalkayaga ka dhacay, uguna dam-qateen dadkayaga, waxaanan rejaynayaa inay tani bilow wanaagsan u noqoto iyo sees adag xidhiidh dhex mara labada ummaddood ee labada dal.”

Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday Xildhibaanka  martida ahaa inuu salaan ka gaadhsiiyo iyo mahad-naq gudoomiyaha jimciyadda Axmed Qadiroof iyo Madaxweynaha dalka Mudane Ramadaan Qadiroof. Isagoo shahaaddo sharaf hawl-karnimo, iyo  mahad-celin ah  u gudbiyey marwo Eymani Qadiroof iyo hadyad ka kooban Khariirada Somaliland oo uu ku xardhan yahay calanka Somaliland iyo astaamo ka turjumaya qaranka Somaliland.

Dhiniciisa Mudane Ziyad Sabsabi wuxuu sheegay inuu dalka yimid todobaadkii hore, lana kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, iyo wasiirka Duulista iyo Hawada, indhihiisana uu ku arkay dhibaatadii abaaruhu sababeen ee ku habsaday gobolLada dalka qaarkood.

Wuxuu intaa raaciyey inuu warbixin ku celiyey dalkiisiI, haatana uu dalka keenay mucaawimooyin raashina oo ka kooban 240 Tan oo isugu jira cuntooyin kala duwan, iyadoo ay jidka ku soo jiraan 80 tan oo kale oo raashin ah.

Xubnaha guddida heer qaran oo ay ka mid yihiin wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo ku xigeenka guddida, sheekh Xasan Cabdisalaan oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa sheegay in raashinkaasi hore ay qaybintiisu ilaa hadda ka socoto goobihii loogu tallo-galay.

Xildhibaanka Ruushka ahi isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in  markuu Ruushka ku noqday uu Somaliland ka warbixiyey, si gaarana ugala sheekaystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda ee Ruushka, una sheegay inuu jecel yahay in Somaliland lala bilaabo xidhiidh bulsho, dhaqan, iyo mid wax-wada qabsiba, kuna rajo weyn yahay in imika laga bilaabo uu xidhiidhka labada dal ee Ruushka iyo Somaliland uu noqdo mid joogto ah.

Gebegabadii xildhibaanka oo u mahadnaqaya madaxweynaha iyo dawladda Somalilandba waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, waxa aanu nahay ummad walaalihiin ah oo farax iyo dhibaataba idinla qaybsanaya, waxaanan aad kaaga mahadnaqayaa qaabilaadaadan aad caawa iqaabishay iyo soo dhawayntii iyo wada shaqayntii aanu wada yeelanay guddida abaaraha ee heer qaran ee uu gudoomiyaha u yahay madaxweyne ku xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????